- Moogow walaal waxay ka
hadlaysaa sheeko dhex martay shakhsiyad la yidhaa “Wiil” iyo shakhsiyad la
yidhaa “Warside”. Wiil wuxu u taaganyahay Somaliland; Warsidena wuxu u
taaganyahay waqtiga wareega ee nolosha aduunku ku xidhantahay isla markaana
keydiya wixii dhacay.
Wiil iyo Warside waxa dhex martay
dood. Doodaas oo ku saabsan doonistii midnimada shanta Soomaaliyeed (Soomaali Weyn: “Shantoo is weheshada eey
wacnaydaa; calan inay wadaagaan eey wanaagsanaydaa!”) iyo gogol xaadhkii
midinimadaasi ay ku midoombeen Somaliland iyo Somalia. Doodu waxay ka hadlaysaa
intii aanyay midnimadu dhicin, markii ay dhacdo, iyo waxa ay ku dambayn doonto
markay dhacdo.
Doodu waxay ku duugantahay maanso
jiifto ah. Waana afaray aan marmar isku dayo aniga oo canjilaya gabayagaa.
Magaceeda waxa la yidhaa “Mooge”; oo u taagan dadka badan ee aan ka war hayn
taariikhdii midnimada Somaliland iyo Somalia. Bal waatan eh ila eega.
Mooge Walaal
Wiil: Moogow!
Walaal
Ma
laguu waramay
Waa
aan foogayn
In wax
lay sawiray
Lay
yidhi wax jira
Walaal
nimaad tihiin
Oo
wehelnimiyo
Wanaagaga jecel?
Waydiin
haddaan
Xasuustayda wacay
Warsidaa iyo yidhi:
Warside: Wiilow! Dad aad
Weedhaha afkiyo
U egtiin wejiga
Bal se wixii kaliyo
Uurkiyo iyo wadnaha
Aad ka weecsantiin
Yaa webiyadiyo
Walaweyn jiroo
Soomaali Weyn
U waliilaya.
Wiil:
Waxan idhi Warside
Waa sidee haddaan
Ugu tago webiga
Oo waxaan hayiyo
Wixii ay hayaan
Ku wadaagno samo?
Warside:
Wuxu yidhi Wiilow
Dawladdaad wadiyo
Hantidaan wacan
Haw wareejin duul
Wacad aan lahayn.
Warna aan u hayn
Waxa aad gashiyo
Waxa aad gudoba!
Wiil:
Waxan idhi Warside
Walaalnimo darteed
Waan wareegayaa
Hay Waabinine
Ii banee wadada.
Wuxu yidhi Wiilow:
Warside:
Waa taa wadadii.
Waxse aan ku idhi:
Wanaag lagama helo
Nimaan wacad lahayn.
Waxad taana garan
Waa aan fogayn
Marka lagu wanjalo
Ee waxad sidiyo
Wadankaba la dhaco.
Wiil:
Sidu yidhi Warside
Way ka sii dartoo
Weerar iyo dilbaa
Webiyadii ka yimi.
Wiricii xumaa
Ee waqooyi jiray
Waa ka buuqayee
Warmaha u casee!
Yaanu wiil ka hadhan
Yaa wareegto tidhi!
Warsidaa maqaloo
Soo laliyay weedh
Werer iyo dareen
Ku wareegsanyiin.
Warside:
Waa taan ku idhi
Wanaag lagma helo
Nimaan wacad lahayn
Ee ma wiiqanteen?
Waa side dadkii?
Wiil:
Warmo xiirayiyo
Inkastoo wanjaaf
Loo waalayoo
Waayeel iyo dhalaan
Wadku aad u galay
Wadankana dhamaan
Burbur wada hantiyay
Warsidow dadkiyo
Wiil hawga baqan
Inuu wahan galoo
Ay wadhan noqdaan.
Weger aan jabayn
Iyo waa bir adag
Oon waranku karin.
Wixii nabar ku dhacay
Way ka waaqsadeen.
Waxaanay garteen
Wadaday mareen
Inay weecsanayd.
Walaweyn inay
Tahay bohol wed galo.
Walaalkay cugteen
Inuu yahay wabiin.
Dawladday wadeen
Inay tahay wax weyn.
Wareegeeda fogi
Inuu yahay wariiq.
Wehelkeeda dhow
Inuu yahay wanaag.
Waxtar iyo milgiyo
Inuu yahay
wejiga
Aduun
weynuhu
Aqoonsiga ku
wadho.
Weligeedna
aan
La
wareejinayn
Ee Warsidow
sidaa
Xamar ugu war
gee.
W/T: Prof. C/salaam Yaasiin
No comments:
Post a Comment