.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, March 21, 2013

Taageero iyo Talo

 
- Maalintii Jimcaha, 15kii Maaris, markii uu Madaxweynaheenna iyo wefdigii la socday ka soo laabteen dalka Turkiga ee ay ka soo degeen Madaarka Hargeisa, warkii uu siiyay Madaxweynuhu warbaahinta wuxu ku cadeeyay inaanay Somaliland ka qay gelayn shirka May London lagu qabanayo. Shirkaas oo loo qabanyo Somalia. Somaliland ay tahay dal madaxbanaan oo maamulkiisa iyo taladiisa u madaxbanaan.

Anoo ah daljire Somaliland ah, hadalkaasi cad ee badheedhaha ah, waan ku taageerayaa Maaxweynaha iyo xukuumadiisa. Hase yeeshee, waxan warbaahinta u marinayaa talo ah inay arrintaas ahaato DHAABAD aan marnaba laga dhaqaaqin.

Xukuumadan siyaasadii xukuumadii hore, ee ahayd inaan Somalia lala hadlin ilaa ay degto; haddii lala hadlayona, waxa laga wada hadlaa ay noqoto sidii laysu aqoonsan lahaa loona wada shaqayn lahaa, way bedeshay. Waxay ku bedeshay in la wada hadlo; iyada oo xukuumadani ku doodaysa in uu jidkaasi yahay kii isaqoonsiga iyo wada shaqaynta lagu heli lahaa.

Hase yeeshee, sanad ka dib, waxa cadaatay inaanay siyaasadii wada hadalku shaqaynin. Faro madhan Somaliland ka taagantahay. Sidee darteed, haddii ay xukuumadeeni garawsatay wada hadaladii loogu yeedahay inaan Somaliland dani ugu jirin, waay inay garawsigaa ku adkaysato. Halkaan aanay mar kale ka dhaqaaqin. Yaanay naanaystii idin raacin ahayd, “Wadaadow alaf wax buu leeyahay; iyo wax ma laha; labadaba adaa lagaa hayaa.”

Dadkan iyo dalkan aad u talisaan maanta, waxay soo maray taariikh iyo “xasuus wadareed” xanuun badan. Nabardiina waa qoyanyihiin; weli waa damqanyaan. Waa in miyir iyo aqoon lagu hogaamiyaa.

Dhihamasho iyo burbur ka dib, dawladdii ay dhisteen iyo xukuumaddii ay doorteen, oo raggii dalkan xoreeyay qaar ka mid ahi hogaaminayaan, oo u dhow, oo dhawaaqooda maqlaysa, ayay dhaliilayaan oo saluugsanyihiin. Tirsanayaanna inay baylihsay oo aanay dantooda iyo dantan guud wadin; ee ay dan gaar ah ku foogantahay. Haddii dal kale iyo dad kale la dhex dhigo, sidii dacday lixdankii, oo gobanimadii la tuuro, oo dawladnimaddii la waayo, sidii noqonayaan?

Su’aashaa jawaabteedu waa, “Waa sodon sanadood oo laga dhaxlay xasuus wadareed ah: dawlad la’aan, darxumo iyo dil.” Waa inagu filantahay maamaahdu, “Mar I dage Alle ha dago; laba jeer I degena aanaa isdagaay. Yaynaan mar kale dagin dadkeenna iyo dalkeenna.
 
W/q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin.

No comments: