.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, January 18, 2013

Sheeko: Xidigiye Iyo Xurfad!

 
“Waar caalamka sare waa heehaab iyo heeso maaweel; ka hoosena waa hog madow iyo halaag eh oo hadda uun baan gartaye; meesha iga saara''! Xidigiye

-  Nin xidigiye ah ayaa waxa uu dhaqan u lahaa in uu habeenkii dibedda u baxo oo uu xidigaha dhugto. Meelo kala duwan ayuu ka eegi jiray xidhigaha si uu u ogaado isbedelada ka dhacaya deegamada balaadhan ee cirka. Isaga oo meel uu ka fiirinayay xidigihii ka dhaqaaqay, habeenkuna aad u madowyahay oo ay gudcur tahay, ayaa uu xidigiyihi ku siibtay oo uu ku dhacay xurfad weyn oo hoos qodon.
 
Waxaan naxdin ahyn, waxoogaa hurbuusooyin ah ayaa gaadhay. Ka dib markii uu ogaaday inaan lafi jabin, cadna go’in, dakharona gaadhin, ayuu kor eegay. Wuxu arkay in aanu ka bixi karay xurfadda oo ay aad u dheertahay. In uu badbaado u baahanyahay ayaa u caddaatay. Si uu u helona wuxuu go'aansaday in uu qayliyo. Qayladisii ayaa dadkii ku dhowaa maqleen, markaasaa xorfaddii lagu soo ururay.
 
Nin dadkii soo gurmaday ka mid ah ayaa yidhi, “Waar waa kuma ninka xorfadda ku dhacay ee ka dhex qaylinayaa?” Waydiintii ayuu maqlay, markaasuu u jawaabay oo yidhi, “Waa xidigiyihii magaalada ee xurfadda iga saara.
 
”Nin baa u jawaabay oo ku yidhi, “Xidigiye, wax badan baad cirka eegaysay oo aad cilmi falag ku fooganayd. Bal imika waadigan caalamkii hoose jooga eh, caynkee ayuu yahay? Iyamaase cibardu tahay inaad iska eegtid, ma caalmka sare mise caalamka hoose?”
 
Xidigiyihi wuxu u celiyay, “Waar caalamka sare waa heehaab iyo heeso maaweel; ka hoosina waa hog madow iyo halaag eh oo hadda uun baan gartaye; meesha iga saara!!!.
 
Prof. C/Salaam Yaasiin

No comments: