.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 3, 2012

Madaxwaynaha Somaliland Oo BBC-da u Sheegay Inaanay Mar-danbe Somaliland La Midoobi Doonin Soomaaliya, Kalase Hadlayaan.....*Daawo*


- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamad Maxamuud ''Siilaanyo'' ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ahi ku jirin inay wadahadal la galaan dawlada Soomaaliya ee haatan ama mid danbe-ba. Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud '' Siilaanyo'' ayaa sidaasi waxa uu ku sheegay waraysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee idaacada BBC-du  maalintii shalay ee ay taariikhud ahayd 2/03/2012-ka. Madaxwayne Siilaanyo waxa uu cadeeyay inay ka wada-hadli doonaan madaxda Soomaaliya sidii ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya iyaga oo kala madaxbanaan ay laba dawladood oo walaalo ah oo wax wada-qabsada u noqon lahaayeen. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xusay in dadka reer somaliland ay 1991-kii go'aansadeen inay ka madaxbanaanaadaan dalkii ay la midoobeen 1960-kii.

Waxana uu halkaa carabka ku adkeeyay in mudo haatan ka badan 20-gu' ay Somaliland ay ahayd qaran madaxbanaan. Maadaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamauud Maxamad '' siilaanyo'' waxa uu ku nuux nuuxsaday inaanay Somaliland mar-danbe dib ula midoobayn gobolkii uu Talyaanigu gumaysan jiray ee Somali-taliyaano, waxa kali ah ee haatan furanina ay tahay inay isku ixtiraamaan kala madax-banaanidooda, Jaarnimo wanaagsanna ku wada noolaadaan.

*Hoosta/dusha guji oo DAAWO*

No comments: