.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, December 21, 2011

Somaliland: Jaamacada Abaarso Tech Oo Markii u Horaysay Laga Qaatay Shahaadada MBA (master degree).

 
 Ardaydii u horeysay ee shahaadad Jaamacadeed oo degree-ga labaad (MBA) ah ku qaadata gudaha Somaliland ayaa maanta ka qalin jebisay Jaamacadda Abaarso Tech. Munaasibad loo sameeyay qalin jebintaas oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiilada, maamulka Jaamacadda Abaarso Tech iyo marti sharaf kale.

Ardaydan oo tiradoodu tahay 13 qof, waxa ay ka qalin jebiyeen kuliyadda Maamulka iyo Maaraynta (Business Administration) ee jaamacada Abaarso oo ku taala degaanka Abaarso ee dhinaca Galbeed ee Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa, waxayna 13-kaa arday oo gabdho iyo wiilal isugu jiray qaateen shahaadada degree-ga labaad ee MBA (Master of Becholar Administration).
 
Maamulaha Jaamacadda iyo dugsiga isku dhafan ee Abaarso Mr. Jonnaton Star oo hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay heerarka aqooneed ee ay bixiyaan iyo ujeedooyinka loo aasaasay.

Madax-wayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Seylici iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iyana halkaas ka hadlay, waxay hambalyeeyeen dufcaddan ardayda ah oo ah kuwii u horeeyay ee dalka gudihiisa ku qaata shahaadada Master loo yaqaan. Sidoo kale, waxay ardayda kula dardaarmeen inay sii wataan barashada aqoontooda, waxayna maamulka Abaarso ku amaaneen hirgelinta goob aqooneedka Jaamacadda iyo dugsiga Sare iyo Jaamacadda isugu jirta.

Xigasho: Qurbajoog

No comments: