.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, August 11, 2011

Nabadi Caano Macaan, reer Puntlandoow!: Qisadii Aar-Libaax iyo dacawga.


Waxa la yidhi libaax ''Aar'' ayaa beri meel ku noolaan jiray, mudo markuu halkaa ka dinaaxinayay ee uu kolba tog iyo tuur guure iyo kalahe ku gaalaabixiyay, ee uu barqada xaadhin Galbeedka uu ka ilo-xidhay hurdada kaga boganayay, casarkana tu kale oo bari uu ka qormaystay ugaadhsiga laamadoodka ku gaabsan jiray, ayaa waxa meel cidhif ah oo ku dhaw gayiga uu xaydaantay libaaxu shaw, isaga oo baxsad ah isna god ka qotay dacaw yar oo ka soo duday reerkoodii. Dacawga iyo Libaaxa mid kastaaba sida aad adba akhristoow qiyaasi karto waxa uu u nool yahay, qaabka abuuristiisu tahay oo waa laba noole oo wax kulmin karaaba yar yahay, Waayo, wax ma wada ugaadhsadaan, Geed ama god hoy u ah ma wadaagaan, tartan jaadka uu doonaba ha lahaadee kama dhaxeeyo oo waxbaba iskuma qordiyaan. Waaba Libaax oo boqorka xawayaanka ah iyo dacaw...!

Sidaasise waa marka ay arintu sida hagaagsan tahay, waana sida caqliga saliimka ah ee garashada fayoowbi bariisatay ina siinayo, waana sida uu Libaaxu ''aarku'' isagu qabo ama uu xaalka u fahansan yahay. Jabse waxa uu ka dhacayaa dacawga yar ee godka ka qotay meel halkeer ah oo uu libaaxu marka uu ugaadhsiga ama sahanka u socdo sii maro, oo isaga ay talodau ugu muuqato in libaaxu xad gudub ku hayo oo uu gorgortan iyo qalo korodhay ku yahay. Cadaawad qaad dacawgii aan looba ogayn oo col u hiinsee libaaxa. Maxaase uu sameeyay dacawgii?

Inta uu Libaaxu xarbiga ugu jiro sugida iyo xasilanta dhulkan ee uu ka hiryo libaaxyada kale ee dhigiisa ah, ama habar dugaaga kale ee ay ka mid yihiin waraabaha, shabeelka, harimacadka iwm, ee uu ogolaysiinayo kuwaasi inay aqoonsadaan in arladan nin nin ahi ka taliyo, ayuu magcii b'a dacawguna waxa uu isna u waydaartii libaaxu xaadhintii uu deganaa, oo uu soo qasaa, hanbyo ka cunyaa, masalaha ka nijaaseeyaa oo ka digeeyaa, dhogor dacaw marmariyaa oo gidaarada isku xoqyaa, wuu ku soo fidhaa! Oo waxba itaalkiisa ulama hadho inuu dhibaateeyo Aarka libaax!

Libaaxii ayaa goor danbe isaga oo soo daalay oo nasiimo u baahan soo guryo noqda, waxase uu soo galaa dhabintii uu dhinaca dhigi jiray iyo xadradii uu ku khalaawayn jiray oo looga danbeeyay! Wuu yaabaa oo uu is waydiiyaa waar waxa meeshan kaaga danbeeyay waa maxay? Meelahaasuu raad iyo wax ka eegaa, waxbase wuu ka waayaa. Urtuna waxa ay noqotaa mid ka duwan kuwii uu yaqaanay ee ay is hororsan jireen, waa Libaaxyadii iyo habar-dugaagii waa-waynaaye. Dabadeed Libaaxii waxa uu ka fikiray waxa uu ku samayn lahaa waxan aanu garanayn iyo, talaabada ku haboon ee uu arintan ka qaadi lahaa, markuu Aarkii xaajadii mudo rogrogay waxa uu is tusay inaanu raadinta iyo baadi goobka shayga guriga ka qasay waqti iskaga qaadin, waayo, baylaho kale oo ka qaro wayn ayaa qabyoobaya, waxase uu go'aansaday inuu diginiin culus u diro bahalkan daba-waydaaradka yaqaan.

Libaaxii waraaq wayn ayuu soo qaaday oo uu dusheedana khad cas ku xardhay erayadan'' Wax-yahaw nabadi Caano Macaan''. Waxba ilaahay kagaama duxin dacawga ayaa la yidhi digniintii Libaaxa ee uu mar iyo lababa Khadka Cas ugu qoray. Waana dacaw arin xun iyo caadadiise waa uu iska sii watay fad-qalalayntii uu xaadhinta iyo xerada libaaxa ku hayay, ee uu jiifka iyo raaxada uga ba'ayay. Ugu danbayntii markay xishood la'aantii dacawgu joogsan wayday waxa ay xaajadii ka fursan wayday, in libaaxii qorshe dego uu dacawga ku malgayo. Waana uu kaga Takhulasay........Halkaasaana uu Libaaxii Jabaq la' i. jiifka dheeraystay.

Waxan hadaba sheekadan uga socdaa, Somaliland qajeelay far-waawayn iyo dhawaaq dheerba ugu baaqday maamulka gar-maqaataha ah ee docda bari ee Soomaaliya '' majeerteeniya'' ku yaal inay cago-dhigtaan, oo ay docda, qolqolka iyo duleedka Somaliland ka xasarad laadaane, mar hadii waxba kaga duuli waayeen ahbinta iyo samo-doonista reer Somaliland doonayaan, malaha falaga iyo faalku waxay sheegayaan min Qabqable ahi inuu soo baxay! Oo aan ujeedo, waa in lagu dhaqaaqaa '' Plan-B''.

F.G: Bil wax ka yar ayaa ka soo wareegay markay doontii shidaalka ahayd ee reer Somaliland bada Cas ka afduubtee shuftada majeerteeniya, ee weliba lacag baad ah iyo cumaamado lagaga soo daayay, maantana waa tan.Bal adba aakhristoo u faali oo xidig kastana u eegoo, Car ka gee min Qab-qable ahi inuu xaajadan u soo baxay.

'' Ha jirto Somaliland oo Ha Joogto''

W/Q: Cali Cumar Xasan.

No comments: