.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, June 21, 2013

Xulka Gobolka Maroodi-jeex Ayaa Ku Guulaystay Koobkii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee J.Somaliland-2013


- Xulka Gobolka Maroodi-jeex (Hargaysa) ayaa galabta (21/06/2013) sanadkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha Goboladda J. Somaliland, ka dib markii ay maanta Gool ku laad ah ay 6-5 kaga badiyeen xulka gobolka Hawd oo ay mar-labaad iskugu soo baxeen ciyaarta kama damabysta. Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag isla markaana degan wax gool ah lama kala dhashay 90 daqiiqadood ee ay socotay, ka dibna waxa loo dhigay rikoodheyaal.

Gool-ku-laad (Rigooreyaal) waxay labada xulba dhasheen shantoodii gool ee ugu horeeyay, ka dibna waxa loo dhigay hal hal gool ku laad oo kale.Xulka Gobolka Maroodi-jeex gool ku laadkoodii lixaad way dhashadeen halka xulka gobolka Hawd laga qabtay gool ku laadkoodii lixaad, waxaana sidaasi ku guulaystay xulka Gobolka Maroodijeex, waxaanu koobkani u noqonayaa kii sadexaad ee ay ku guulaystaan. Halkaana waxa ku soo gabagabobay tartankii koobka xulka Gobada ee J.Somaliland ee sanadka 2013-ka.

No comments: