.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, June 15, 2013

Shaqo La’ida Iyo Dhibta Ka Timaada! Iyo Sababta Soomaalidu Uga Badbaadeen


- Dr. Xuseen Cabdilaahi Muxumed (Bulxan) oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliland ayaa si qoto dheer uga hadlay shaqo la’aanta iyo xidhiidhka ka dhexeeya dhibaatyooyinka ku yimaada cilmi nafsiga ama waalida, kaas oo tilmaamay hadii Maskaxda iyo Jidhkuba aan lagu shaqayn oo meel lala fadhiyo in ay dib iskugu noqonayso oo ay badanaa haleeesho mushkilado dhibaato ku ah Cilmi Nafsiga.

 “Inta aynaan shaqo la’aan ka hadlin shaqo Maxay tahay (What is Employment?), inta badan marka shaqo laga hadlaayo waxa laga fikiraa uun maxaa midho la soo saarayaa, Maxaanu cunaa weeyi, lakaiin way ka badan tahay shaqadu midhahaa la soo saarayo, waxa ku jira waxyaabo farabadan oo soo baxa marka aanay shaqo jirin. Dabcan marka uu qofku shaqeeyo uu midho saar yeesho oo midho soo baxaan, dee taasi waa muhiim oo waa la wada ogyahay, qofka uun maahee Caruurtiisii, Xaaskiisii, wixii uu ku xidhnaayoo dhan, kalgacaylbay muujinaysaa, iyo xidhiidh uu dadka la leeyahay, qofka shaqsiyadiisa iyo qiimihiisu wuxuu soo baxayaa dhaqdhaqaaqaa iyo xarakaadkaa uu samaynayo. 

Maaha uun maxaan cunaaye, waxa weeyaan waa maxay qiimahaygu marka aan bulshada ku jiro, bulshada halkeebaan kaga jiraa weeyi, shaqadu nooc kasta ha ahatee qiime ay shakhsiga u leedahay iyo Sawir ay Sawirayso qofkaasi wuxuu yahay weeyi. Waxa kale oo jirta in shaqadu ay Maskaxda iyo jidhkaba ay ka shaqaysiinayso, wax aad ku mashquuyo weeyoo hadii aanad shaqo hayn ood meel uun fadhido, waxa imanaysa dhibaatooyin farabadan oo xaga cilmi nafsiga ah oo aan ka yara hadi doono waxoogaa. 

Markaa shaqadu waxay muhiimada leedahay maaha uun Material maxaa la soo saarayaa uun, waxyaabo badan oo xagii cilmi nafsiga ah, xagii bulshada, qiimaha uu shaqsigu leeyahay iyo isagiiyoo wax uu ku mashquulo oo maskaxdii hadii aan laga shaqaysiin oo aanay wax ku mashquulin iyadaa dib isugu noqonaysoo inta badan afkaarteenu waxa ay ka dhalataa marka u horaysa Bulshada iyo Luuqada aynu ku hadlayno, marka aad shaqo ku jirto maaha shaqo aad kaligaa uun qabanayso inta badan dadbay ku xidhan tahay goor walba, dadbaad ka wada hadlaysaan, dadbaad wada qorshaynaysaan, dadbaa qiimaynaaaya, dadbaa wixii aad soo saartay kaa iibsanaaya, markaa waa goor-walba bulshaad ku jirtaa marka aad shaqo ku jirto, waxa aad ka hadlaysaana waxa ay ku saabsan tahay inta badan midho saarkaa iyo dadkaa ay kugu xidhiidhsan tahay iyo aduu qiimaha aad leedahay. 

Laakiin marka aanad shaqo hayn bulshadiina waad ka baxaysaa (many ways), dadkii aad kalgacaylka u haysayna wixii iyga qudhoodu ay u baahnaayeen adiga oo arkaaya ayaanad waxba ka tarayn, marka aad shaqaynayso dadkaa aad la hadlayso ee aad ku mashquulayso balse marka aad kaligaa tahay ee aad Unemployment noqoto, dee waad isla hadlaysaa ma ogtahay, badanaa hadalkaagaasina maaha hadal aad isku amaanayso ama aad si wanaagsan isku arkayso ee tolow maxaa kaa siya, maxaa kaa dhibaato ah, maxaad waxaa u keeni wayday ama walaahi shaqadaa waad heli lahayde kuwaasaa kuu diidayoo waxay kuugu diideen sidaa iyo sidaa, iyo reer hebel iyo xaafadaas ayaad ka timid, waxyaabahaasi ayaad iska samaysanaysaa oo aad ku mashquulayso, markaa dhibaato farabadan ayaa ka soo baxa.

Waxa jirta daraasado farabadan oo isku xidhaya shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinkan ka yimaada Cilmi Nafsiga ku saabsan ama Waalidaba ku saabsan, wax farabadan oo shaqo la’aanta ku xidhan oo daraasado badan baa jira. Daraasad Classical ah oo Maraykanka mar laga sameeyey ayaa waxan la yidhaa (Epidemiology) daraasad marka laga sameeyo ah bulsho guud ahaan marka laga sameeyo daraasad oo iyadu cilmigeeda gaarka ah waa Research gaar ah maaha kan kale ee Laabka iyo meelahan laga sameeyo. Waxay ogaadeen Percent kaliya (1%) oo shaqo la’aan ah (One percent of Unemployment) bulshada wuxuu ku keeni karaa ilaa 10% dhibaato ku ah cilmi nafsiga shaqsiga, waali iyo mushkuladaha (Depression-ka) waxaas oo dhan. Hadeertoole waa kii Sacadba Idiin sheegayoo lahaa 50%---60% dhalinyaradana ilaa 75% ayay shaqo la’aantu saamaysaa, waxa weeyi waa Aafo, mushkilad weyn weeyi.


Meelaha kale aduunyadu waalida waanigaa idin leh 1% ayaa keenaya ilaa 10% waali ah. Waalidu waxa ay noqon lahayd Soomaalida iyo Somaliland-ba waalida waynu isku soo wada gaadhi lahayn uun.  Laakiin Midbaynu kaga baxsanaa inta badan, oo Unemployment marka la yidhaado 75% ama 60% Somaliland ama Soomaaliba, halbaynu ka tagnaa, shaqo qarsoon oo shaqo ah.

''La Soco……qaybta dambe oo xiiso badan

Xigasho: Haatuf

No comments: