.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, June 14, 2013

J.Somaliland Oo Diiday Inay UN-tu Xafiis Dalka Ka Furato *Dhegta-maal

Nicholas Kay
- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in xafiiska siyaasadda UNSOM aanu ka shaqeyn karin Somaliland. Madaxda Somalilad ayaa sheegay in xafiiskan mandate-kiisu yahay taageerista Somalia, J. Somaliland ay tahay "Dal" ka madax bannaan Somalia. Go'aankan ayaa lagaga dhawaaqay kulan Khamiistii shalay Hargaysa ku dhexmaray wakiilka gaarka ah ee XGQM, Nicholas Kay iyo xukuumada J. Somaliland  ee Md. Axmed Siilaanyo. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed C/laah Cumar ayaa sheegay in xafiiska siyaasada ee UNSOM uu yahay mid loogu adeegayo Somalia, sidaasi darteedna J. Somaliland aan wax dan ahi ugu jirin. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay UN-ka kala shaqeyso mashaariicda bini'aadanimo iyo dhinacyada horumarinta ah, waxayna ka codsadeen UN-ka inuu kordhiyo mashaariicdaasi.

*Dhegta-maal;

No comments: