.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, June 19, 2013

Dhibaatooyinka Shaqo La'idu Keento Iyo Shaxaadka Oo Badbaadiyay Dadka Reer Somaliland- Qaybtii-2aad: Dr Xuseen C/laahi Bulxan


- Dr. Xuseen Cabdilaahi Muxumed (Bulxan) oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliland, isla markaana ku takhasusay Xanuunada Maskaxda ku dhaca ayaa si qoto dheer uga hadlay shaqo la’aanta iyo xidhiidhka ka dhexeeya dhibaatyooyinka ku yimaada cilmi nafsiga ama waalida, kaas oo tilmaamay hadii Maskaxda iyo Jidhkuba aan lagu shaqayn oo meel lala fadhiyo ay Maskaxdu dib iskugu noqonayso oo ay badanaa haleelaan mushkilado dhibaato ku ah Cilmi Nafsiga ee ka dhasha Shaqo la’aanta. Dr Bulxan waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliduba ay mushkiladaha shaqo la’aanta kaga baxsadaan shaqo qarsoon oo shaxaad la yidhaa, isla markaana aanay jirin shaqo ka adag shaxaadka. Waxaanu yidhi “Laakiin midbaynu kaga baxsanaa, marka la yidhaa shaqo la’aan 60% ama 75%  Somaliland ama Soomaaliba, halbaynu ka tagnaa waa shaqo qarsoon oo shaqo ah, shaxaad baa la yidhaa, shaxaadku waa shaqo, shaqo ka adagina ma jirto.

Anigoo mar ka hadlaaya Canada oo koox soomaali ah la hadlaya ayaa markii su’aalaha la I waydiinayey baa midi kacayoo markaasu yidhi waar Somaliland waan jeclaa inaan tago’e waxaan uga hadhay Shaxaad baan uga hadhay, marka aad soo degto ilaa inta aad baxayso shaxaadbaa nafta laguugu keenayaa. Hadaba waxaan diiday sida uu u yidhi shaxaadka waan ogahaye, quudhsi uu quudhsanaayo dadkii ayaan ka dhadhansaday, markaasaa waxaan idhi bal shaxaadkaa aynu u noqonee maad shaqaysaabaan idhi? Markaasuu yidhi dee mayee anigu dawlada Canada ayaa wax I siisa, markaasaan idhi bal qabsoo taasi waa shaxaad iyada qudheedu, bal intiina intiina I dhageysanaysa waxaad ii sheegtaan inta shakhsi ee shaqaysa shaqooyinkii caadiga ahaa sida loo yaqaano markaasaa intii meeshii joogtay badankooda ayaa gacanta taagay, markaasaan idhi Somaliland iyo shacabkeeda halkaa jooga ee quudhsanaysaan iyagu iyagaa isa shaxaadayee idinku dawlada Canada ayaad shaxaadaan badankiinu waxaad ku nooshihiin shaxaadkaa, bal intaanan shaxaadkaba ku sii dheeraanin Shaqadu waa maxay? Intiina shaqaynaysa, waxa weeyi shaqo lagu yidhi 9:00AM ama 8:00AM soogal oo shanta ama afarta aad ka baxayso, waxaad ogtahay in bishii lacagta aad helayso ay meel kuu taalo oo ay go’antahay, wakhti aad qadayso iyo aad nasato wixiina waad leeday waa nidaam, waxa lagaa doonayo waad ogtahay oo intaa lagaa doonayo ee aad ka shaqaynayso dee qiimaynta laguu samaynayo waa caadi. 

Ninka shaxaadka ku nooli horta shaqo ka adag oo aan anigu qiyaasi karo oo horta jirta anuu ma garanayo, wakhtigeedu wuu xadidan yahay, sagaalka hadii uu soo kaco laba iyo tobanka waa inuu ka gaadhsiiyaa, wakhtiga ay ugu dheertahay waa saddex saacadood oo xafiis intuu fadhiisto uu hawshiisa ku dhamaysanayaa ma jirto, waa inuu dhaqdhaqaaqaa waa inuu xarakaad sameeyaa ilayn shaqadu waa xarakaade. Dhaqdhaqaaqaa waxa ka daran cida uu la kulmaayo ama uu wax ka doonayo ma garanaayo. Shaqadii caadiga ahaydna waxa lagaa doonayaa warbixin (Report) go’an waanad ogtahay waxa report-kaasi yahay iyo sidaad u qorayso, balse ninkaa shaxaadka u socdaa qofka uu la kulmaayo dabeecadiisa iyo bakhaylnimadiisa ma oga lamuu balamindee, markaa waa inuu mid walba kamankii uu wax kaga soo saari lahaa u tumaa, Kaman cajiib ah, goor walba wuxuu la socdaa waa mu’alif weeyi. 

Markaa badanaa dadkeenu markuu intiisa helo uu iska hoyanayaa, iimaankiisuu qabaa oo intaasuu ku dhaqaaqayaa. Hada waxa aan u socdaa dadkeenu waxa ay ku noolaayeen oo Dulcad, Abaar iyo mushkilad kale kaga soo baxeen waa isa siintaa la qaybsanaayo wax. Aduunyada kale badankoodu sidaa wax iskuma siiso. Waagii aan maraykanka joogay ayaa Ethiopian ah ayaanu saaxiib ahayn wuxuu arkaa anagiiyoo wuxuun dirayna anaga oo arday ah, markaasuu yidhi aniga hooyaday, aabahay iyo qoyskayagu Addis Ababa ayay ku nool yihiin wax iisoo dirna ima yidhaahdaan ana wax uma diro (waa dabar nafsak) adiguuni isku filnow. 

Horta taasi waa shaqo iyada laftigeedu (Shaxaadku), waxaana shaqo ta ugu adag, waana shaqo aynu run ahaan ku wada noolnahay, ka dibada jooga ee lacagta soo dirayaa wuxuu dawladii Canada ama Yurub ka helay waa nooc shaxaad, wuxuu usoo diray xawaalad, xawaaladuna waa shaxaad shaxaadkeed waxbay ka goosanaysaa dee, halkanay imanaysaa dadkii way qaybsanayaan, xukuumada qudheeda shaxaadka waxbaa ka soo gaadhaya, soosaarkan caadiga ah ee aduunyadu ka hadasho ee la yidhaa “Employment”, waxa jira wax kale oo Employment nooc kale ah, dawlad iyo shacab waxaa baayac mushtar wadanka ka socdaa shaxaadkaa nooc kasta ha ahaatee wuu ku nool yahay, waa maxay taasi waa bulsho waa inagiiyoo wax wada qabsanayna, ma lihi shaxaadka ha lagu wado, waayo shaxaadku dhibaatooyin buu leeyahoo marka aad gacan cid hoos dhigato ee aad barido adiga qudhaadii ayaa hoos isku dhigaaya. 

Marka sidaa aan idiinku waramay aad kolba shakhsi aad u samaynayso riwaayad Kaman aad u tumayso beenaalaad noqonaysaa adigaana is og, wax nadiif ah oo lagu farxo oo aad ku faantona maaha. Dadkeena yaan laga dhigin inaanay xarakaad lahayn, xarakaadna waa leeyihin shaxaadna ha ku maqnaadaane, waxa weeyi uun in la habeeyo oo laga shaqaysiiyo oo meel loo jeediyo. Shaqo La’aantu dhibaatada ay leedahay Murugaa jirta (Depression), Caloolyoow iyo Qulub, intuba waa leedahay. Aniga waxay ila tahay in dhaqdhaqaaqeena ama shaxaad ha lagu dhaqdhaqaaqo ama shaqo kale ha lagu dhaqaaqee in inta la isku yimaado ama talo gaadho aynu nidhaahno waar xarakaadkii aynu samaynee maxaa sharafteeniina ilaalinaya, oo inta shaqo ha lagu helo ama shaxaad ha lagu helee inta Qaad lagu bixinaayo ee Kaash inagaga baxaya ee aan inaga wax inoo soo hadhayn taa in laga hadlo oo aad loo baadho waa loo baahan yahay.

Mida kale waxa loo baahan yahay in qorshe lala yimaado waliba xaga dawlada ay ka timaado oo ah shaqadu maaha maxaan cunaa uun, maxaan qiimo leeyahay, maxaan bulshada uga mid ahay. Markaa goor walba maaha lacag uun ee Human Resource marka ay timaado waa Afkaar iyo qorshe, waxa aad ogtihiin ana aan ogahay dalkani kumuu dhismin mushaharo ee waxa uu ku dhismay guno yar ayaa la siiyaa”.

Xigasho: Haatuf

No comments: