.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, May 11, 2013

Geeri: ''Maxamuud Maxamad Warsame (Ina-Afay)


Tacsi

- Shalay oo ay taariikhdu ahayd 10/05/13, waxa Hargaysa ku geeryooday oo lagu aasay marxuum Maxamuud Maxamad Warsame oo loo yaqaanay ''Maxamuud Afay'. Anaga oo ka tiiraanyaysan geerida lama filaanka ah waxanu halkan tacsi murugo leh uga diraynaa qoyskii (xaaskii iyo caruurtii marxuumka), xigtadii, asxaabtii, ardaydii iyo dhamaan intii kale ee tabi doontaba oo aanu leenahay dhamaantood Samir iyo Iimaan Allah ha idinka siiyo. Marxuumkana, Ilaahay waxan uga baryaynaa inuu Janadii Fardawsa ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Faalo kooban: Macalin Maxamuud Afay, waxa uu ahaa nin ilaahay hibo u siiyay fahamka Xisaabta! Allah magane, Isna intii uu noolaa waxa uu baristeeda hagar la'i uga haqab-tiray ardaydii nasiibka u heshay inuu macalim u noqdo! Meelaha sida gaarka ah loogu xasuusan doono waxa ka mid ah dugsigii caanka ahaa Qalax/Timo-cade.......'Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun''

No comments: