.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, April 19, 2013

Somaliland: ''Hogaamin Han iyo Hal-adaygba Leh


- Waxa xalay muuq baahiyaha qaranka laga sii daayay Raysal wasaaraha Britain David Cameron oo xafiiskiisa Number 10 downing Street si kalsamaani ku jirtay u qaabilay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo laba ka mid Golihiisa Wasiirrada oo socdaal ku jooga Magaalada London.

Qiimihii Kulankii Raysal wasaare David Cameron & Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Arbacadii 17-kii Bishan April waxay ahayd Maalin qaranka Ingiriisku uu ku foognaa aas qaran oo loo sameynayay Raysal wasaarihii hore ee Britain Mrs. Margaret Thatcher oo aaskeeda ay ka soo qeyb galeen wufuud iyo madax ka kala timid illaa 70 dal.

Mrs. Margaret Thatcher waxay ahayd Raysal wasaare dalkeeda looga hayn weynaa oo xafiiska joogtay muddo ku siman 11 sanadood.

Halkaasi ayaad ka garanaysaa cidhiidhiga wakhtiga ee Hoggaamiyaha Ingiriiska ee maalintaasi, haddana waxa David Cameron uu wakhti uga soo garoocay Madaxweynaha Somaliland, waxaanu xalay cawayskii muddo 30 daqiiqadood ah uu kula munaaqishooday Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu kaga horyimid albaabka xafiiskiisa una gacan qaaday si haybadi ku jirtay oo la dareemi karayo inuu muunaynayo weftiga Madaxweynaha.

Raysal wasaaruhu waxa intii uu socday kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Axmed Siilaanyo, waxa uu isku dayay inuu Hoggaamiyaha Somaliland ku qanciyo shirka 6-da Bisha may ka furmi doona London ee uu gogoshiisa dhigay ee caalamka taageero loogaga dawiranayo dawladda Soomaaliya ay ka dhiseen beesha caalamku ee qodaxda badani hortaalo.

David Cameron waxa uu ku guulaysan waayay inuu Madaxweynaha si fudud u dhacsiiyo shirkan, iyadoo madaxweynaha Somaliand uu miiska u saaray go’aanka loo dhan yahay ee Somaliland kaga joogsatay shirka Ingiriiska oo ay ka wayday wax dano qaran ah, maadaama oo qodobada ajandihiisa aanay door iyo kaalin midna ku lahayn.

Waxtarka Gaws Adayga Madaxweyne Siilaanyo

Raysal wasaare David Camaron, waxa uu yaqiinsanayaa in Somaliland tahay qaran u darban maamul wanaaga oo wada jir iyo tallo qaran ku gooya mawaadiicda waaweyn ee jiritaanka dalkooda .khuseeya,markii Madaxweynuhu ka gows adaygay soo jeedintii Raysal wasaaraha Britain.

Go’aanka adag ee Madaxweynuhu ula tagay Raysal wasaaraha waxa dadka siyaasada odorosaa ay aaminsan yihiin inaanay Somaliland waxtar mooyee, waxba ka ridayn siduu madaxweynuhu u difaacay qaraarkii qaranku gaadhay. Waxa dadka fikrkan ku doodayaa ay qabeen in Raysal wasaaruhu uu Somaliland mustaqbalka aad uga fikiri doono noocyada shirarka uu ugu yeedhayo.

Waxa David Cameron uga soo baxday Kulankii uu la yeeshay Hoggaamiyaha Somaliland inaanay Somaliland ahayn wadan uu ka taliyo kaligii Taliye tiisa hayste ah oo aan qadarin iraadada iyo rabitaanka ummadiisa, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo ku darayaa Liiska Hoggaamiyeyaasha dimuqraadiga ah ee tallo-wadaaga la leh dhar-dhaarada qarankooda sida Goleyaasha Sharci dejinta iyo Axsaabta Siyaasadda ee dunida sadexaad ama qaaradda afrikaba. Kulankaasi waxa uu halbeeg u yahay heerka siyaasadda dibadda Somaliland taagan tahay oo muujinaya inay caalamku u quweeyaan sidii qaran madax-banaan.

Waxa kale oo Raysal wasaaraha Britain xaqiiqsanayaa labada heer ee ay kala taagan yihiin Somaliland talaabsatay iyo Soomaaliya oo sagxada kaga jirta liiska qaramadda guul daraystay ee caalamka.

Aragtidii Shacbiga Somaliland

Goleyaasha baarlamaanka, axsaabta siyaasadda iyo guud ahaan shacbiga Somaliland waxay u qushuuceen sida Hoggaamiyahoodu aanu uga baybaydhin inuu aragtida caamka ah ee Somaliland gaadh siiyo Mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasha daara siyaasadda dunida.

Waxay go’aanka madaxweynuhu istaagay sii xoojinaysaa wada shaqaynta iyo tallo-wadaaga xukuumaddu balaysintay, waxaanay albaabada u sii furaysaa in mucaaridka iyo Goleyaasha baarlamaanku ay si ka dhow sidii hore u taban-taabiyaan xukuumadda, maadaama oo uu Madaxweynuhu Raysal wasaaraha Ingiriiska u sheegay inaanu kaligii go’aan ka qaadan Karin dalabkiisan, hase yeeshee uu tallo kula noqon doono dalka si qaranku dib ugu eego dalabkiisa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu yahay Hoggaamiye dublamaasi ah oo ka dabaalan kara inuu Hoggaamiyo qarankan xiliga adag ku jira ee u heensaystay inuu qadiyadiisa albaab kasta u garaaco si loo taam-yeelo Madax-banaanida Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax/Somaliland.Org

No comments: