.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, April 19, 2013

Saylado Lagaga Ganacsado Da’yarta S/Land Ee Loo Tahriibiyo Wadamada Shisheeye Oo Hargeysa Ka Dillaacay Iyo


- Kooxo ka ganacsada dhalinyarada si ay dalalka shisheeye ugu tahriibiyaan ayaa la sheegay in xafiisyo qarsoodiya oo laga tahriibiyo da’yarta laga furay Hargeysa, kuwaas oo ila wareedyo ay sheegeen in dhalinyaro koox koox u socota todobaadyadii u dambeeyay si qarsoodiya looga tahriibiyay magaalada Hargeysa, taas oo la sheegay in goobahaasi ganacsi ee loo furtay tahriibtu ay cirka ku sii shareereen korodhka dhalinyarada tahriibta ugu baxaysa dalalka shisheeye.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kooxaha ka baayac-mushtareeya tahriibta ay lacago dal marin ah ka qaadan da’yarta tahriibaysa ilaa dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Liibiya, iyadoo ila wareedyaduna tibaaxeen in Sayladaha ganacsi ee tahriibta loo furtay ay saldhig qarsoodiya u noqotay degmada Tog-Wajaale ee xuduuda Somaliland iyo Itoobiya ku taala.

Waxaana la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay magaalada Wajaale ay ceeryoon ka dhigeen dhalinyaro koox koox u socota oo Hargeysa ka soo kicitimay, waxaanay wararku intaa ku darayaan in dhalinyarada loo tahriibinayo wadamada shisheeye la sheegay marka la geeyo dalka Itoobiya waalidiintooda intay la soo hadlaan si lacag loogu diro ay ku soo yidhaahdaan hadaan lacag lanoo soo dirin naftayadu halis bay galaysaa, taas darteedna qoysas badan oo caruur farabadani ka tahriibtay ay ku dhacdo in qaarkood ay guryo u iibiyaan.

Waxa kale oo jira waalidiin caruurtooda marka hore la ogolaada tahriibta, isla markaana ka caawiya ambabaxooda, halka ay jiraan waalidiin badan oo aan iyagu ka warhaynin marka ay dalka ka tahriibayaan caruurtoodu, balse marka ay la soo hadlaan si lacag loogu diro dani ku baday ay ku noqoto in ubadkooda ay u diraan lacago ay ku dhaafaan oo ay ku sii wataan tahriibkooda.

Dhanka kale waalidiin badan ayaan ilaa hada ka warhaynin halka ay ku sugan yihiin caruurtoodii, tahriibtaasi oo sababta inay in badani ku nafwaayaan badaha iyo dhulka saxaraha ee wadamada ay sii dhex marayaan. Xukuumada iyo hay’adaha amaanka ayaa looga baahan yahay inay xididada u saaraan Sayladaha ka ganacsiga tahriibta ee dalka ka dillaacay, kuwaas oo keeni kara hadaan imika wax laga qaban aafo qaran.

Xigasho: Haatuf

No comments: