.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, April 25, 2013

Dhaxalka Ma-Guuraanka Ah Ee Lagu Xasuusto Aabihii Haykalka Dawladnimada S/Land Dhidibada U Taagay Madaxweyne Cigaal


- Alle ha u naxariistee waxa dalka kaabiga ku soo saaray sanad-guuradii 11aad ee ka soo wareegtay geerida Aabihii haykalka dawladnimada Somaliland seeska u dhigay marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo 3. May 2002-dii ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada dalka South Africa, maalintaas oo dhacbiga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo daafaha dunida ku ahayd maalin murugo iyo argagax leh, ayaa marxuum Cigaal oo jagada madaxweynanimo ee Somaliland mayalka u qabtay horaantii bishii May 1993, ayaa muddadii sagaalka sanadood ee uu xilka qaranka hayay ku suuro galiyay waxqabadyo mug leh, oo maanta dawladnimadeeda dhaxal u ah, taas oo keentay in shacbiga reer Somaliland ay marxum Cigaal ku xasuustaan raadka iyo dhaxalka Somaliland lagu majeerto ee uu ka tagay.
 
Ka hor intii aanu qaban xilkaa marxuum Cigaal duruufaha iyo waaqaca ka taagnaa dalka xilligii madaxweyne Cigaal xilka loo doortay ay ahayd marxalad amaanka dalku aanu sugnayn, isla markaana anay jirin dhisme haykal dawladeed ah oo taabgal ah, iyadoo xilligaasi ay jidadka magaalooyinka layskaga kala goosho ay ka jireen kaantaroolo ay ku amar ku taaglayn jireen kooxo maleeshiyaad beeleedyo ah iyo kooxo lagu naanaysi jiriay day-day oo gaadiidka iyo dadka jidadka maraya ay ku hayeen dhibaatooyin amaan daro iyo tacadi.

Madaxweyne Cigaal ayaa muddo laba sano gudahood ah ku hirgeliyay:-

1. Sugida amaanka iyo xasiloonida dalka oo uu dhidibada u tagaay.

2. Hubdhigista iyo qaramaynta uu ku sameeyay ciidamadii maleeshiyaad beeleedka aha ee ku kala sugnaa xerooyinka iyo saldhigyadii ciidamada, taasoo ciidamada qaranka, Bilayska iyo Asluubta la aasaasay.
3. Dhismayaasha xafiisyadii dawladu ku shaqayn jireen oo dibu dhisyo lagu sameeyay, isla markaana dadkii deganaa xarumaha hay’adaha dawlada laga raray.

4. Hirgelintii Distoorka Qaranka Somaliland maanta leeyahay oo shacbigu ku ogolaaday 97%

5. Samaynta lacagta Somaliland u gaarka ah iyo badalaada lacagtii giimbarta Somalia ee dalka ka shaqayn jirtay.

6. Samaynta Baasaaboorka Somaliland u gaarka ah oo uu suurto galiyay muddadii u hogaaminayay qaranka Somaliland.

7. Aasaaska iyo hirgelinta hanaanka xisbiyada badan ee loogu tartamo doorashooyinka golayaasha deegaanada, madaxtooyada, taas oo uu abuuray xeerka ururada iyo xisbiyada siyaasada xeer Lr 14 ee lagu abuuray ururadi ugu horeeyay ee ay ka soo dhax baxeen saddexdii xisbi qaran ee Kulmiye, Udub iyo Ucid, oo ku soo baxay doorashadii ugu horaysay ee golayaasha deegaanada ee dalka ka qabsoontay 15 december 2002-dii.Xeerkaas oo ah ka ilaa maanta asxaabta siyaasada qaab-dhismeedkooda loo raaco iyo habka xisbiyada qaranku ku soo baxeen.

8. Aasaasida hay’ada komishanka doorashooyinka qaranka oo uu soo magacabay komishankii ugu horeeyay ee doorashooyinkii ugu horeeyay ee golayaasha deegaanka, wakiilada iyo madaxtooyada qabtay.

9.Hindisaha lagu abuurtay Calanka qaranka Somaliland maanta uu leeyahay, kaas oo badalay Calanki hore ee midabkiisu ahaa Cadaanka, dhexda goobo akhtar ah oo tawxiidku ku wareegsan yahay.

La Soco......

Xigasho: Haatuf

No comments: