.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, March 19, 2013

J. Gollis iyo Jomakenyatta University Of Agriculture And Technology ayaa gabo-gabeeyey Imtixaankii Semester-kii ugu horeeyey ee MBA Program

 
'Waxa kale oo uu noo sheegay Professorka Collins, inay jaamacdoodu semester walba ay imtaxaanka iyagu qaadayaan aanay goob joog u ahaaynayaan imtaxaan walba hadii Alle raali ka noqdo”. Haatuf
 
-Jaamacada Gollis ee ku taal magaalo madaxda jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa iyo Jomakenyatta University Of Agriculture And Technology (JKUAT) ayaa taariikhda Somaliland 30-kii arday ee ugu horeeyey u soo gabo-gabeeyey Imtixaankii Semester-kii ugu horeeyey ee MBA Program, kaas oo si rasmi ah Xarunta Jaamacadda Gollis uga bilaabmay 11/03/2013, isla markaana usoo gabo-gaboobay maalintii doraad ee taariikhdu ahayd 17-ka bishan.
 
Sida uu Wargeyska Haatuf uga waramay C/risaq Awdahir Khalif oo ah Coordinator Ka Program-ka MBA ayaa sheegay inay Imtixaanka laga qaaday 30-kaas arday ay soo diyaarisay Jaamacadda Jomakenyatta University Of Agriculture And Technology (JKUAT) oo ay goob joog ka ahaayeen aqoonyahano ka socda Jaamacadaas oo Kenya ku taala, isla markaana hada lagu soo sixi doono Imtixaankaas halkaas.
 
Ugu horayna Coordinator Ka Program-ka MBA ee Jaamacadda Gollis C/risaaq Daahir Khaliif oo ka hadlaya qaabkii Imtixaankaas loo qaaday, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Jaamacada GOLLIS iyo Jaamacadda Jomakenyatta University Of Agriculture And Technology (JKUAT) oo is-kaashanaya ayaa waxay shalay si rasmi ah u soo gaba-gabeeyeen imitaxaankii semester ka ugu horeeyey ee MBA Program ka kaas oo si habsami eh uga bilaabaymay xarunta Jaacacada Gollis bishu markay ahayd 11\03\2013 kaas oo socday mudo lix cisho ah.
 
Waxaana goob joog halkaas ku ahaa Professor ka socday Jaamacada Jomo Kenyatta University oo isagu dalka u yimid inuu imtaxaanka ka qaado ardayda halkan ku barata MBA, taas oo ay uu u dhamaaday Semester ugu horeeyey ee qaybtan Masterta oo mudada uu socon doono programkanina uu yahay mudo laba sano ah, wuxuuna aad u soo dhaweeyey masuulkaas wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo kobcaya ee ka dhaxeeya Jaamacadda Gollis iyo Jaamacada Jomo Kenyatta university, sida habsamida leh ee ay uga midho dhaliyeen dadaalkooda ku wajahan inay soo saaraan arday heer Master ah.
 
Waxa kale oo uu noo sheegay Professorka Collins, inay jaamacdoodu semester walba ay imtaxaanka iyagu qaadayaan aanay goob joog u ahaaynayaan imtaxaan walba hadii Alle raali ka noqdo”. Sidoo kale mar aanu wax ka waydiinay Coordinator ka programkan MBA Mr C/risaaq inuu tafaasiil ka bixyo MBA waxa uu noo sheegay inay wax lagu farxo tahay in taariikhda Somaliland markii ugu horaysay ay suurta galiso Jaamacadda Gollis inay arkaan arday reer Somaliland ah oo Shahaadada Master-ta ku diyaarinaya wadankooda hooyo gudihiisa, kaas oo tilmaamay inay sii xoojin doonan wada shaqaynta xaga jaamacada iyo dhiiri galinta qof walba oo u diyaara inuu bilaabo Programkan masterta.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: