.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, March 27, 2013

Gudida Baadhista Xasuuqa Somaliland Oo Waydisatay Caalamka Inuu U-soo Wareejiyo 47-kii Qof ee Xeebta Jasiira (Muqdisho) 1898- Lagu Xasuuqay

 
''Waa markii u horreysay ee dawladda Somaliland ka dalbato beesha caalamka in loo keeno qalfoofka muwaaddiniin sannadkii 1989kii lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho''. S/landtoday
 
- Guddida loo sameeyay inay baadhaan oo ay ka shaqeeyaan ururinta xogaha ku saabsan Xassuuqii soo gaadhay dadka reer Somaliland sanadihii 1980-dii ee magacooda la yidhaa; ''Gudida Baadhista Xasuuqa'' ayaa ku hawlan sidii dalka Somaliland loo keeni lahaa, isla markaana aas qaran oo shareecadda waafaqsan loogu samayn lahaa qalfoofka 47 muwaaddin oo 17kii July 1989 lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho (Somalia).

Guddoomiyaha Guddida Baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like, ayaa hay’adda caalamiga ah ee Bisha Cas u diray 18 March 2013 qoraal uu kaga codsaday in dawladda Soomaaliya la weydiiyo sidii qolfoolka 47 qof reer Somaliland ah oo lagu xasuuqay xeebta Jasiira loogu soo wareejin lahaa dhinaca Hargeysa, si lafaha dadkaas loogu sameeyo aas waafaqsan shareecadda diinta Islaamka.
Qoraalka hay’adda Bisha Cas loo diray oo nuqul ka mid ah waxa uu u qornaa sidan:-

“Sida Ummadda Soomaaliyeed iyo adduun-weynuhuba ka markhaati kacayaan waxa la wada ogyahay dhacdadii xasuuqa ee habeennimo 47 nin lagala baxay guryahooda ee lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho, 17 July 1989. Iyadoo raggan loo xasuuqay ‘Maxaad woqooyi (Somaliland) ugu dhalateen?’ Isla markaana si xushmad-darro ah loo xabaalay. Haddaba, waxa waajib ina saaran ah in aadamiga dhimasho dabadeed loo aaso siduu xaqa u leeyahay ee uu inoo tilmaamay Nebigeennii suubbanaa (SCW).

Sidaa darteed, waxaannu hay’adihiina iyo cidda kale ee aad la kaashan karaysaanba (ICRC) idinka codsanaynaa inaad gacan bani’aadanimo naga siisaan sidii aad qalfoofkaas (47 qof ee la xasuuqay) noogu weydiin lahaydeen dawladda Soomaaliya si aannu ugu aasno, isla markaana aaskooda u waafajinno shareecadda islaamka,” ayuu Khadar Axmed Like ku yidhi qoraalkiisa.

Waa markii u horreysay ee dawladda Somaliland ka dalbato beesha caalamka in loo keeno qalfoofka muwaaddiniin sannadkii 1989kii lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho.     
 
Xigasho: S/landtoday

No comments: