.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 23, 2013

Ambassador James Swan (USA) Oo Cadeeyay In Dawladiisu Ay Si Gaar Ah Ula- Macaamilayso Jamhuuriyadda Somaliland *Daawo

 
- Waraysi gaar ah  oo dhawaan lala yeeshay Safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ee fadhigiisu yahay dalka Kenya (Nairobi) Ambassador James Swan oo lagu waydiiyay su' aalo dhawr ah oo khuseeya Somaliland, Somalia iyo xidhiidhka dawlada USA la leedahay labadooda, oo ay dad shacab ahi u soo direen Safiirka, ayaa waxa ku jirtay su'aalahaa mid ahayd, bal inuu iftiimiyo sida ay dawladda Maraykan isugu wadi karto la shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawlada Somalia ee uu Maraykanku dhawaan aqoonsatay,
 
Ambasadoor James Swan ayaa su'aashaa oo qoraal ahaan loogu soo diray oo uu waydiiyay nin wariye ahaa oo xafiiskiisa la fadhiyay, si hufan oo cad oo aan habayaraatee wax baydhbaydha ah lahayn uga jawaabay! Waxana uu Ambasadoorku uu yidhi;

“Dawlada Maraykanka iyo saaxiibadeeda caalamkuba waxay qadarin iyo ixtiraam wayn u hayaan dedaalka ay sameeyeen dadka reer Somaliland sanadihii la soo dhafay iyaga oo si heersare ah u ilaaliyay nabadgalyada iyo xasiloonida dhulka Somaliland, iyo dhinaca dawlada oo qabatay dhawr doorashooyin oo aad u heer sareeyay, waxa kale oo bogaadin iska leh shacabka dedaalkooda ay ku doonayaan inay ku hagaajiyaan dhaqaalaha iyo arimaha nolasha''. Isaga oo safiirku hadalka sii wata waxa uu yidhi;

''Sidaas daraadeed dawlada Maraykanku waxay rabtaa inay sii wado inay kala shaqayso dadka reer Somaliland iyo Xukuumadda dhinacyada gargaarka bini’aadanimo, dib u dhiska iyo horumarinta iyo dhinacyada xidhiidhka dawladnimo ee aanu wadaagno, isla markaasna mawqifka dawlada Maraykanku waa mid barbar socda la’na mawqif ah qaramada midoobay, midawga Afrika iyo dawladaha la jaarka ah Somaliya.”
 
Warasyiga oo dhamaytiran halkan hoose guji oo ka daawo.
http://youtu.be/ukzxbUDGOHs

No comments: