.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, February 13, 2013

Wasiirka Arrimaha Debadda Oo Ka Waramay Nuxurka Qodobadii Ay Ka Wada Hadleen Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wasiirka Khaarajiga Britain

 
- Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka warbixiyey nuxurka qodobadii ay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Khaarajiga Britain ay ka wada hadleen, kaas oo sheegay inay isla soo qaadeen labadaas masuul arimo door ah oo ay ka mid tahay Amniga, Siyaasada iyo shirka bisha May la filayo inuu Magaaladda London uga furmo Somaliland iyo Somalia.
 
Dr. Maxamed C/laahi waxa uu xusay inay dawladda Britain aad u danaynayso in xukuumadda Somaliland door muuqda ka ciyaarto xasilinta amniga mandaqada Geeska Afrika, kaas oo tilmaamay inuu kulankaas Madaxwayne Siilaanyo iyo Xoghayaha Amuuraha Debadda Britain inuu ku dhamaaday is afgarasho. Waxaanu Wasiir Maxamed Cabdilaahi sidaasi ku sheegay Waraysi uu shalay magaalada London ku siiyey Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.
 
Ugu horayna isaga oo ka hadlaya nuxurka kulanka Madaxwaynaha iyo Wasiirka Khaarajiga Ingiriiska, waxa uu yidhi “Dawladda Ingiriiska sida laga warqabo waxa ka dhexeeya Somaliland Xidhiidh aad u balaadhan oo dhinacyo badan ku salaysan, haday ahaan lahayd siyaasada, dhaqaalaha, mucaawino leh iyo nabadgalyo-ba leh, markaa arimahaas oo dhan iyo danaha labada dal ayey Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka Khaarajiga Britain ay kulankoodii shalay dib ugu wada eegeen”.
 
Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlayey codsiyo ay dawlada Britain u gudbiyeen, waxa uu yidhi “Waxaanu dawladda Ingiriiska ka codsanay inay kordhiyaan Mucaawinada ay dawladda Britain siiso Somaliland, waxa kale oo aanu kala hadalnay arimo xaga ganacsiga iyo Maalgashigu ku saabsan oo ay horeba dawladda Ingiriisku ay gacan uga siinaysay Somaliland. Waxa kale oo aanu kala oo aanu kala hadalnay madaxda dawladda Britain arimaha Nabadgalyada mandaqada iyo doorka ay Somaliland ciyaarto”.
 
Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar wax laga waydiiyey inay Waftiga Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Debadda Ingiriisku isla soo qaadeen shirka dhawaan la filayo inuu London uga furmo Soomaalida, ayaa waxa uu Wasiirku ku jawaabay;
 
“Haa Wasiirka Khaarajiga Britain wuu ka hadlay shirkaas la filayo inay dawladda Ingiriisku bisha May ee sanadkan ku qabato Magaalada London, markaa dabcan Wasiirku shirkaas iyo arimaha la xidhiidha wuu ka hadlay inkasta oo aan wali Ajandihiisa iyo ujeedada laga damacsan yahay aan wali la wada dhamaystirin oo ay dabcan arintaasi tahay arin qabyo ku ah dawladda Ingiriiska wuu ka hadlay Wasiirku, walina ma jirto cid lagu casuumay haday Somaliland tahay iyo hadii ay dawlad kale tahayba, marka laga yimaada dalwadda Somalia iyo dawladda shirka qabanaysa ee Britain ma jiro cidkale oo lagu casuumay, iyada oo waliba aan filayno in dawladda 50 kor u dhaafaya oo dunida ka kala socday inay ka qaybgalaan shirkaas, markaa sida uu Wasiirku noo sheegay wakhtigeeda marka la gaadho ayaa casuumadaha ay u fidin doonaan Ingiriiska dawladaha ay danaynayaan inay ka soo qaybgalaan”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: