.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, February 13, 2013

Madaxweynaha S/land Axmed Siilaanyo iyo weftigiisii oo kulan xog-wareysi ah la yeeshay Jaalliyada Somaliland ee UK

 
- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa kullan xog-wareysi ah la yeeshay Jaalliyada Somaliland ee UK, kullankaasi oo ay madaxweynaha ku weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibada Dr.Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda Mudane Cabdilaahi Geeljire, Gudoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Xaaji Waabeeye, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Aadan iyo Xildhibaan Cali Mareexaan.
 
Waxa ugu horeyntiiba ereyo kooban oo soo dhawayn ah halkaasi ka soo jeediyay Safiirka Wareega ee Somaliland Mudane Kaysar Cabdilaahi, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK Xarir Xersi, iyo masuuliyiinta Jaalliyada iyo Madax-dhaqameedyada reer Somaliland qaar ka mid ah.
 
Gudoomiye-xigeenka xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Xaaji Waabeeyo iyo xildhibaan Cali Mareexaan ayaa waxa ay ka warrameen waxyaabaha xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay qabatay mudadii ay tallada dalka hayeen iyagoo barbar dhigay xukuumadihii ka horeeyay, waxayna Qurbo jooga reer Somaliland uu kula dardaarmeen in ay danta guud ka horreysiiyaan wax kasta, oo ay isku duubnaadaan iyagoo sheegay in safarkoodku uu yahay sidii ay tabarucaad ugu ururin lahaayeen dib-u-dhiska madaarka Burco.
 
Wasiirku-xigeenkii hore ee Arrimaa Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Yoonis oo isna halakaasi hadal dheer ka soo jeediyay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in tiro yar oo Qurbo-jooga ka mid ahi ay had iyo goor saxaafada ku qoraan waxyaabo halis ku ah Qaranimada Somaliland loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto ka midhodhallinta qadiyada Somaliland. Wasiirka kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Geeljire oo isna halkaasi ka hadalay ayaa ku canaantay xubnaha ku guuldaraystay doorashadii degaanku in ay hogaansanaadaan sharciga dalka isla markaana aan loo baahnayn khilaaf dhexdeena ah.
 
Intaas ka dib waxaa hadalkii la wareegay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka warramay ujeedada Socdaalkooda iyo natiijooyinkii ka soo baxay kullan ay la yeesheen wasiirka wasaarada arrimaha dibadda ee Ingiriiska, kaasi oo ku tilmaamay mid guulo la isku afgartay waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac, isagoo xusay in Ingiriisku durba wax ka badaleen digniintii dhinaca socdaalka ee ay soo saareen isla markaana ay labada dhinaca sii xoojin doonaan wada shaqayntii ka dhexeysay.
 
Sidoo kale waxa uu xusey in ay ka wada hadleen shirka Soomaaliya loo qabanayo bishan May ee sannadkan oo aan ilaa iminka ajandihiisa la dejin, wax macsuumad ahina aanay soo gaadhin Somaliland . Wasiirku waxa uga mahadceliyay dallada SSE oo tallo qoraal ah u gudbisay weftiga isagoo u soo jeediyay in ururada kalena ay ku daydaan.
 
Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo halkaasi khudbad aad qiimo badnayd ka soo jeediyay ayaa ugu horeyntiiba waxa aad uga mahad celiyay qurbajooga reer Somaliland ee dedaalka ugu jiraan difaacida qadiyada Somaliland iyo horumarinta dalkooda hooyo.
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si kooban uga waramay Waxqabadka muuqda ee xukuumadiisu ay ku tallaabsatay muddadii ay tallada dalka hayeen isagoo xusey in dhinaca kasta ay wax ka qabteen haday tahay dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada , Dhaqaalaha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka iyo Madaarrada.
 
 Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu markii u horeysay ka hadlay shirka Soomaaliya loo qabanayo bishan May ee sannadkan isaga oo si faahfaahsan ugu caddeeyay shacbiga reer Somaliland in aanay Somaliland ka qayb gali doonin shirkaas haddii ay u arkaan inuu yahay mid ka hor imanaya Danaha iyo Maslaxadada Dadka iyo Dalka Somaliland.
 
“ Kama Qayb Gali doono haddii uu shirkaasi yahay mid aan Maslaxada Qaranka Somaliland aanay ku jirin, kama Qayb gali doono haddii aanu u aragno in shirkaasi uu yahay mid hoos u dhigaya karaamada Somaliland, cidna uga habrran mayno inaanu u sheegno in shirkaasi aanu ka qayb gali doono oo kaliya haddii aanu u aragno maslaxadayada marka aanu aad ugu baaraan degno ee aanu talo Qaran ka yeelano” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay mawqifka Somaliland eek u saabsan shirkaas.
 
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xusay in xukuumadiisu ay ku dhisan tahay talo wadaag oo sidii horeba ay u yeelen ay tallo wadaag Qaran laga yeelan doono marka ay soo gaadho macsuumada Shirkaasi.
 
Waxa uu Madaxweynuhu Shacbiweynaha reer Somaliland ee dalka Dibadiisa iyo dalka Gudihiisa ku sugan uu ku Boorriyay in ay u midoobaan Horumarka Dalkooda hooyo oo ay si laban laabaan dedaalka ay ugu jireen Qadiyada Somaliland. Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuhu uu uga madaceliyay Qurba jooga reer UK soo dhawaynta fiican ee ay mar kasta kala kulmaan.
 
Somalilanders

No comments: