.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, February 25, 2013

Dhaqanka Xun Diid; Prof, C/Salaam Yaasiin

 
- Dhaqanka xun diid. Garashada xumaha iyo wanaagu waa dhalan Ilaahay aadamaha ku abuuray. Meel kasta oo uu aadamahu joogo, ama diin kasta oo uu rumaysan yahay, ama hodan iyo sabool midka uu yahay waxay ka siman yihiin inay u arkaan in beentu xun tahay, runtuna wanaagsantahay; in tuugadu xuntahay, tuugo la’aantuna wanaagsantahay; in khiyaamadu xuntahay, daacadnimaduna wanaagsan tahy; in samir la’aantu xuntahay, samirkuna wanaagsanyahay; in bakhaylnimadu xun tahay, deeqsinimaduna wanaagsan tahay; in aqoon la’aantu xun tahay, aqoontuna wanaagsan tahay; in mabda’ la’aantuna xun tahay, mabda’u wanaagsna yahay; in adoonsigu xun yahay, xornimaduna wanaagsan tahay; in garsoor la’aantu xun tahay, garsoorkuna wanaagsan yahay; in maamulxumadu xun tahay, maamulwanaaguna wanaagsanyahay.

Dhaqanka xun diid; oo maamulxumo waa dhaqan xune diid. Maamulxumada ina haysa ee dadkeena iyo dalkeeniiba ragaadisay dhaqan ayay noqotay. Dhaqankaasina wuxu sal ku leeyahay maamulkii kelidii taliska ahaa ee Faqashta, “Ayax teg, eel se reeb.” Maalmulkii Faqashta wuxu jideeyay madaxweyne loo sacabiyo sax iyo qaladba; madaxweyne been loo sheego oo runta lagala baqo; madaxweyne la gaadhsiiyo inuu dadka iyo dalkaba leeyahay.

Wuxu dhaqankaasi dadkii midiidinka ka dhigay keenay in dadku danta gaarka ah uun ka shaqaysto, hadday tahay mansab uu helo ama maal uu helo, danta guudna baylihiyo. Waxa kale uu keenay inay dhaqan noqdodaan nifaaqa iyo beentu; laguna celceliyo amaanta iyo weyneynta madaxada iyaga oo aan u qalmin amaan iyo weynayntoona.

Dhaqanka afka ayaa sida. Maanta waxa afkeenii ku badan oo caadi noqotay erayayda: “Madaxweyne”, “Gudoomiye”, “Xildhibaan”, “Wasiir”, “Agaasmi” iyo wax la mid ah. Inta badan marka magacayadaa loogu yeedhi dadka ixtiraam qalbiga jira ma aha ee waa afka baarkiisa. Waa nifaaq siyaasi.

Fasaad nifaaqa ka weyne ma jiro – siiba kiisa siyaasiga ah. Dhaqankaasi qofka isaga oo nool ayuu dilayaa, maxaa yeelay, wuxu ka dhigayaa qofka miidiidin kaba qaad u noqda kolba ciddii xukunka haysa. Waana aafo weyn oo sida xarka bulshadeena maanta gashay. Waxaanay dhalisay in xaaraantiina la xalaashado; xalaashiina la xaaraantimeeyo. Cidhibteeduna waa dulinimo, darxumo, dubudhac, iyo dad la’aan, iyo aakhiro seeg.

Sida darted, haddii aynu nahay bulshada Somaliland, dhaqanka xun ee faasidka (siiba nifaaqa siyaasiga) ee bulshadeenii iyo dalkeeniiba ragaadiyay waa inaynu tilmaanaa oo diidnaa. Waana inaynu ku bedelnaa, “Xaal iftiin baa la qashaaye” dhaqan furan oo ku socda: nuur, nidaam, iyo nadaafad. Wa billaahi tawfiiq.

Prof. Cabdislaam Yaasiin

No comments: