.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, January 21, 2013

Wasiirka A/Gudaha Ee S/land Maxamed N. Caraale Duur Oo Ka Hadlay Aqoonsiga Maraykanku Siiyay Somalia Iyo.....*Dhegta-maal

 
- Somaliland ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si khaldan uga faa-ideysatay aqoonsiga Maraykanku siiyay Soomaaliya iyo waliba kulankii Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Somalia ay ku yeesheen aqalka Cad. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa VOA u sheegay in dowladda Somalia laga doonayay inay Maryakanka ka codsadaan dib u dhiska dalka iyo waliba in Maraykanku gacan ka geysto sidii Soomaaliya la isugu keeni lahaa, balse ay fursadaasi seegtay oo aanay ka faa-iideysan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, oo haatan ku sugan Saylac ayaa dhinaca kale sheegay in dhinacyadii muranku ka dhaxeeyay ahaa golaha deeganaka Saylac ay isku soo dhaweeyeen. Wasiirka oo la waydiiyay aragtida Somaliland ee aqoonsiga Maryakank ee Soomaaliya, jawaabtiisa halka hoose ka dhageyso.
 

No comments: