.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, January 20, 2013

Qabiilka Ciise iyo ururkii SNM: Cabdale Xaji Cusmaan (Qaybtii-1AAD)

 
''Qabiilka Ciise-hu waxay u arkayeen dagaalkii SNM gashay mid xaq ah oo ISAAQ lagu dirqiyey oo ay ku khasbanaayeen''.Cabdalla Xaaji
 
- Sooyaalku waa diiwaan kaydiya wixii la soo maray xumaan iyo samaan,Markaad kala furtaba sidii arrimuhu u dheceen oo hufan baad ugu tageysaa, cid wax ku dari karta iyo cid wax ka dhimi kartaa ma jirto, hadday cidi isku daydana iyadaa ku ceebowda,Waxaan halkan ku soo daabacayaa qoraal dheer oo aan kaga hadlayo kaalintii uu Qabiilka Ciise ka qaatay dagaalkii uu  ururkii S N M ku qaaday dawladdii Siyaad Barre si looga baxo dhibtii ay ummadda ku haysay iyo markii dalka laga xoreeyey taliskii Kacaanka ee lagu dhawaaqay Somaliland.Waxaan si kor ka xaadis ah u dulmari shirkii Burco,kii Boorama, saami-qaybsigii iyo doorashooyinkii inna soo maray. Waa qaybtii koowaad ee sidaa ula socda haddii Alla idmo

Guud ahaan dagaalkii SNM,Ciisuhu waxay u arkayeen mid lagu dirqiyey oo waddo kale oo bannaan la waayey, sababta oo ah.Waa marka horee qabiilka Isaaqu waxay hormood u ahaayeen midnimadii 1960kii lagu midoobay oo ay rabeen in Soomaali-weyn la dhiso taas oo loogu abaal guday aakhirkii dil,dhac, xadhig joogta ah iyo dhulkoodii oo laga soo barakiciyey.Dadka intaas oo dhan lagu falay way caddahay in dagaal wax aan ahayn oo u bannaan aanay jirin.
 
Gabyaa qabiilka Ciise ka dhashay oo la yidhaa Cali Yaabe Hufane oo berigaa arrintaa ka gabyey isagoo la hadlaya dawladdii Siyaad Barre waxa uu yidhi.
 
Ma og tahay Isaaqaad xasadi, kuma xatooyeyne
Adoo xiisaheed qaba miyuu, xurriyad kuu keenin
Calankaa xariirta ah miyuu, xamar ka soo taagin
Xeerbeegtidiisii miyey, xukunka kuu dhiibin
Miyey ka xarragoon way, xoogsan karayeene
Waqooyiga indhaha laga xidhaye, iilka ku xabaalan
Xildhibaannadeedii midnimo, kugula xaajooday
Xigmad laga tixraaciyo miyey, shanta u meel xaadhin
Xanjaad iyo miyey dhabar ka talin, lagu xasuusnaado
Xaal gobeed miyey kugu lahayn, xus iyo maamuus leh
Xurda gelidu saw gardarro, laga xishoon maaha
Sidigtii xulaadeed midnimo, loogu xilanaayey
Xaskii maashay oo xigatayoo, xoox yar laga waaye
Xeedhyaha karuur buuxiyaa, xag kastaba kaa yaalle
Xaasaanka weydoobayeed, wada xanfaaraysay
Xayndaabo inaad ula tagtaa, saw xadgudub maaha
Aakhiro xisaab baa jirtiyo, naarta xoogga lehe
Intaad xayga tahay baa dulmiga, layska xeeraaye
Nimaad xooluhuu kugu darsaday, ka xakamaynayso
Hadduu kugu xanaaquu warmaha, xawga ka caddeeyo
Wuxuu xeer u leeyahay inaad, u xaqdo weeyaane
Ul-xarbida inaad u lulushaa, saw xad gudub maaha
Hashii loo xarbiyey ee dagaal, lagu xalaaleeyey
Gaaweheeda xoorka leh markaad, ku xalus weynaatay
Kayma xays ku hooriyo raggii, xamilka soo daajay
Ee xerada soo tu’iyey baad, ka xinninaysaaye
Xamaasaha kacay iyo adaa, xuladdadaa shidaye
Xakamaha ku ruug wiil Isaaq, soo xamaan guraye
 
Waxa jiray gabayaa kale oo la odhan jirey Cali Cubeesh oo dagaalladii berigaa gabayo badan ka tiriyey isagoo dadka Isaaqa ee cadaaladdarradu ku dhacday isbarbartaagay. Ururkii SNM markii xarutiisii loo soo raray Itoobiya ee qaxootigii ka soo cararay cadaadiskii taliskii Siyaad Barre ka soo tallaabeen xuduudda, beesha Ciisaha Itoobiya way soo dhaweeyeen.Qaar ka tirsan madaxdii ururkii SNM ayaa magaalada Diridhaba kula kulmay Allaha u naxariistee ugaaskii Ciisaha, Ugaas Xasan Xirsi iyo guurtidii la shaqayn jirtay.Kuwaas oo ay kala kulmeen soo dhawayn diirran.Ugaasku waxa uu berigaa Ciisaha meel ay joogaanba faray inay soo dhaweeyaan dadka shacabka ah ee ka soo qaxay dagaalka.
 
Dhinaca kale,markii Jabhaddu gulufka ku qaadday Hargeysa iyo Burco dadkii ka soo qaxay Hargeysa iyo wixii galbeed ka soo xigay una soo jeeday Jabuuti waxa in badan ka badbaadiyey ciidammadii dawladda, Ciisaha deggan jiidda xeebta galbeed,waayo milaterigii talisku qof qabiilka Isaaqa ah may bixin jirin (taasi waa arrin lawada ogaa).
 
W/Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan
 
-- Posted by Dr.Hamud/Djibouti

No comments: