.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, January 22, 2013

Mashruuca Horumarinta D/Hoose Iyo Maamul Daadajinta JPLG Oo Markii Ugu Horaysay Somaliland Lagu Qabtay

 
''Anna Schmidt oo ka socotay Ururka Midawga Yurub ayaa iyadu carrabka ku dhufatay in mashruucan uu yahay mid ka qaybqaadana horumarinta, maamul daadejinta iyo xasilooda Somaliland''. Haatuf
 
- Mashruuca Horumarinta Dawladaha Hoose iyo maamul daadejinta ee loo yaqaan JPLG ayaa markii ugu horraysay shirka furitaankiisa lagu qabtay Somaliland. Mashruucan oo wejigii hore oo bilaabmay 2008 ilaa 2012 ayaa wejiga 2aad oo socon doona muddo shan sanno uu shalay si rasmi ah uga furmay hudheelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa, kaasoo ay ka qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Wasiirrada Maaliyadda, Qorshaynta, Macdanta iyo Biyaha, Arrimaha Gudaha, Maayiradda degmooyinka dalka iyo masuuliyiin ka socday deeq bixiyayaasha, iyo hay’adaha caalamiga ah.
 
Shirkan oo socon doono hal maalin ayaa lagu soo saari doona siyaasadda iyo istaaratijiyada lagu hagi doono qorshaha shanta sanno ee mashruucan horumarinta iyo maamul daadejinta dawladaha hoose. Maayirka Caasimadda Hargeysa Eng. Yuusuf Siciid Warsame oo ugu horrayn ka hadlay halkaas ayaa isagu sheegay in mashruucan wejigii hore laga faa’iiday horumar la taaban karo oo laga gaadhay degmooyinkii uu ka hirgalay, isagoo intaa ku daray in kulanka mashruucan lagaga arrinsanaayo ay ka soo bixi doonaan maxsuulo midha dhal ah oo mashruucan lagu hirgeliyo.
 
Wasiir-ku-xigeenka Horumarinta Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe ayaa isagu tilmaamay in wejigii hore ee mashruucani wax badan ka soo qabsoomeen, balse ay jireen galdaloolooyin uu lahaa mashruucaasi., isagoo u mahadnaqay dhammaan hay’adihii gacanta ka qaatay hirgelinta wejigii 1aad ee mashruucan.
 
“Waxaannu halkan ka codsanay oo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku codsadeen in degmooyinka la kordhiyo oo halka uu hadda toddoba degmo ka shaqeeyo oo Gabilay dhawaan ku biirtay, halkaasna inuu wax maqan yihiin baannu ka tabaynaa ee waa in degmooyinka la kordhiya oo wixii suuragal ah lagu kordhiyo ayuu yidhi Md. Cismaan Garaad Soofe. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa xusay in mashruucan uu yahay horumarinta maamulada dawladaha hoose iyo maamul daadejinta, isla markaana si dimuqraadiyada bulshadu u hesho horumarin loo wada siman yahay, isagoo ka hadlayaa mashruucan iyo cida uu khuseeyo waxa uu yidhi;
 
“Kulankeenan waxaynu kaga hadli doona, kana soo bixi kara in aan mashruucan JPLG ahayn mid u dhaxeeya deeq bixiyayaasha, degmooyinka, balse uu yahay barnaamij ballaadhan oo dhinac ka wada yihiin dawladda iyo deeq bixiyayaahsa, dhinac kalena uu ka dhaxeeyo dawladaha hoose iyo deeq bixiyayaasha, sidoo kalena wuxuu u dhaxeeya dawladaha hoose iyo dawladda dhexe. Dawladda dhexe waa in ay fulisa masuuliyadeeda iyo doorkeeda oo ah qorshaynta, kormeerida iyo ilaalinta, guddida heerka qaran ah ee uu Madaxweyne-ku-xigeenku hor kacaayo ayaa la aasaasaya in ay si toos qumaati ah uga shaqeeyan barnaamijkan JPLG, waana in la helaa siyaasad iyo istaraatiji lagu ilaalino fulinta iyo hirgelinta mashruucan horumarinta degmooyinka.”
 
 Mr. Paul Crook oo isagu ka mid ah masuuliyiinta hay’adda mashruucan gacanta ku haysa ee ILO ayaa isagu sheegay in uu ku hadlaayo magaca hay’ada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in waqtigan loo diyaargaroobaayo in la sii horumariyo mashruucan si horumar loo gaadho, waxaannu intaa raaciyey in shirkan lagaga wad hadli doono qorshayaasha lagu hirgelinaya mashruucan. Anna Schmidt oo ka socotay Ururka Midawga Yurub ayaa iyadu carrabka ku dhufatay in mashruucan uu yahay mid ka qaybqaadana horumarinta, maamul daadejinta iyo xasilooda Somaliland, iyadoo iftiimisay inay soo dhawaynayaan guddida Madaxweyne-ku-xigeenku hoggaaminaayo ee xukuumaddu u saartay inay mashruucan dabagalka ku sameeyaan, iyadoo soo jeedisay in mashruucan laga fuuryeelo dadka laga tirada badan yahay.
 
“Waxaan u hambalyeyna maamulada dawladaha cusub ee la doortay, waxaannu ogayn in doorashadan ahayd mid xor ah, sidoo kalena waxaannu la soconay dhibaatooyinkii iyo xad-gudubyadii ka dhacay, tacsina waan u diraynaa dadkii wax ku noqday, waxaannu rajaynaynaa in aan xad-gudubyadaasi soo noqon, xuquuqal-insaankana ha la ilaaliyo, masrhuucan JPLG inuu sii socdana waannu taageeraynaa,” ayey tidhi Anna. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa isagu ka hadlay horumaradii mashruucan laga dhaxlay iyo xukuumad ahaan waxa uga qorshaysan mashruucan soo socdo, isagoo codsaday in degmooyin cusub oo ay ka mid yihiin saylac, Ceerigaabo iyo Laascanood loogu daro.
 
Md. Saylici waxa uu sheegay in caqabadaha ka hor yimi wejigii koowaad ee mashruucan ay ka mid ahaayeen is fahan la’aan ka dhexaysay dawlada dhexe iyo dawladaha hoose, fulinta ballamaha dawladda dhexe qaado oo yarayd iyo aqoonta dawladaha hoose u leeyihiin maamul daadejinta oo aad u hoosaysay.
 
“Waxaannu ballanqaadaynaa in qaranka diyaar u yahay oo uu ka midho dhaliyo, guulna ka soo hooyo mashruucan, waxaanannu u mahadnaqaynaa dalalka shanta sanno hore ee qadhaanka ugu deeqay qaranka Somaliland, isla markanaa siiyey ballanqaadka ah sii wadida mashruucan, waxaanannu ka codsanayna qadhaan bixiyayaasha inay mashruucan ballaadhiyaan oo aan lagu koobin degmooyin khaas ah oo lagu daro degmooyin cusub, muddadaas shanta sanno ahna la gaadhsiiyo degmooyinka dalku ka kooban yahay, waxaan in xafiiska isku xidhka mashruucan yeesho xoghayn, waxaanannu ballanqaadayna inaannu si dhakhso ah u samayn doono guddi wasiiro ah oo xoghaynta hoos yimaada, waxaannu ballanqaadaynaa inaannu samayno guddi farsamo oo hagi doonto farsamada maamul daadejinta Somaliland.”
 
Madaxa mashruucan JPLG Mr. Patrick Doung ayaa isagu sheegay in shirka halkan lagu qabtay muujinayso sida bulshada caalamku u danaynayso in ay wax la qabtaan Somaliland si shacabku faa’iido u helaan. “Waxaannu si fiican ula shaqayn doona xukuumadda iyo dawladaha hoose si shacabka ugu gudbiyaan adeeg maamul oo tayo leh, waxaannu u isku xidhi doona sidii labada waxood ee dawladdu u wada shaqayn lahaayeen,” ayuu yidhi Mr. Patrick.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: