.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, January 27, 2013

Isbitaal Caruurta Lagu Daweeyo Oo Hargaysa Laga Furay!

 
''Aad ayaan ugu faraxsanahay inan ka qayb-galo furitaanka Cusbitaalkan Caruurta u gaarka ah'' Marwo Aamina Waris
 
- Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xukuumada oo ay ka mid yihiin Wasiirada Caafimaadka Dr. Xuseen Xoog, Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, Gudoomiyaha Wakiilada, Marwada Koodaa ee Somaliland iyo Dhakhaatiir ka socotay dalka Talyaaniga iyo xubno ka mid ah dhakhaatiirta Somaliland ayaa shalay ka qayb-galay Munaasibad xadhiga lagaga jaray qayb ka mid ah dhismaha Cusbitaalka Carruurta ee ay Hargeysa ka hirgaliyeen qoyska Maxamed Aaden Sheekh oo Cusbitaalkaasi loogu Magac daray.

Cusbitaalkaas ayaa noqon doona mid u gaar ah Carruurta isla-markaana qayb ka mid ah lagu bixin doono tababarada caafimaadka, sidoo kale munaasibadaas ayaa waxa kale oo qayb-galay saraakiil ka socotay hay’addaha Somaliland kala shaqeeya caafimaadka, kuwaasi oo soo dhaweeyay cisbitaalka Maxamed Aaden Sheekh, kaasi oo laga hirgaliyey halkii uu hore u ahaan jiray Cisbitaalkii Jajabka ee Magaalada Hargeysa, oo sanadkii hore laga raray qoysas danyar ahaa oo loo raray Xaafadda Sheekh Cumar ee koonfurta Caasimada.
 
Ugu horayn Marwada Koowaad ee Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Waris oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ka qayb-gasho furitaanka Cusbitaalka Caruurta u gaarka ah, iyadda oo xustey in Cusbitaalkaasi wax badan oo loo baahnaa dabooli doono, waxay u mahadnaqday qoyska Maxamed Aaden Sheekh oo ka hor intii aanu geeriyoon ku sii dardaarmay in cisbitaalkan laga dhiso Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa, kaasi oo dhismihiisu socdo, isla-markaana qaybtii koowaad shalay la furay. Marwo Aamino Waris oo arimahaas ka hadlaysaana waxay tidhi;
 
“Mashruucani waa mid qof kasta oo reer Somaliland ah farxad u ah, gaar ahaana anigu waxaan aad ugu niyad samahay fikradan uu keenay saaxiibkeen Maxamed Aadan Sheekh, Gabadhii uu ka geeriyooday, Asxaabtiisii ka yimid magaalada quruxda badan ee Torino, dawlda Talyaaniga iyo shacabka Talyaanigaba. Kani waa mashruuc cadaynaya xataa marka fikrad kooban laga haysto inuu yahay mid lagu qanci karo oo la aamini karo in dadka uu wax usoo kordhinayo. Maxamed Aadan Sheekh waxa uu ahaa qof aanu aad iskugu dhawnahay, waxaanu saaxiib la ahaa Madaxweynaha, mana soo koobi karayo sida aanu ugu faraxsanahay fikradiisa iyo dadkii isku hawlay sidii ay fikirkiisa hore ugu wadi lahaayeen”. 
 
Marwada Koowaad ee Somaliland iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay intaas ku dartey; “Cusbitaalkan sida uu sheegay Professor-ku iyo dad kaleba waxa hindisihuusi uu ka dhashay saaxiibkeen Maxamed Aadan Sheekh, balse mashruucani waa mid isku xidhaya dadka Somaliland iyo dadka Talyaaniga meel kasta oo ay Talyaaniga ka joogaan.
Aadbaanu ugu niyad sanahay, uguna faraxsanahay waananu ilaalin doonaa, wixii aanu awoodnana waan ku taageeri doonaa iyo sidii hore loogu wadi lahaa riyadii Maxamed Aadan Sheekh, maanta Maxamed Aadan Sheekh Waxa uu meel ku yeeshay Wadnaha qof kasta oo reer Somaliland ah oo uu ku taageeray Riyadiisii ahayd Cusbitaalkan”. Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Xoog), kaas oo sheegay in wasaarad ahaan ay ka go’an tahay inay dhamaystiraan guud ahaan agabyada cisbitaalku u baahan yahay marka la dhamaystiro, isla-markaana horeba u diyaariyeen shaqaalihii ka hawlgali lahaa.
 
Dr Xuseen Xoog isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay;
 
  “Waxa inala jooga Professor-kii dhinaca Caruurta ee Jaamacadda Torino iyo Professor kale marka waxa aan rajaynayna in dhibaatooyin badan oo dhinaca Caafimaadka oo jirtay gaar ahaan xaga Caruurta oon wax xal ah loo helijirin markii hore in hada xal loo helo oo ila marka u horeysa xal loo helo Caruurta u dhimata Wadnaha isku furma inay dhicidoonto in lagu xakameeyo taas horta rajadaas ayaynu ka qabna”.
 
Wasiir Xoog isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Labadda Cisbitaal waa jaar waxaana dhakhaatiirtu ay ka barandoonaan sida loo shaqeeyo gaar ahaan Shaqaalahayaga Wasaaradda Caafimaadka ee Cisbitaalka Hargeysa ee halkan ku xiga ayaa halkan wax ka barandoona hadii ALLE yidhaahdo iyaga oo halkan ka barandoona Akhlaaqda Caafimaadka ood runtii moodo in uu inaga yara lunsanyahay waana kuwaasi waxyaabaha Cusbitaalkan cusubi ino qabandoono,waxa aan rajaynaya in dadkii aan halkan ka rarnay aanay Maanta isku Ciil kaanbiyidoonin meeshii aanu ka rarnay ee ay ogaandoonaan in wixii ay iyagu meesha uga fadhiyeen ay ka helidoonaan wax ka wanaagsan oo Caruurtooda iyo Ehelkooda lagu Xalilidoono xaaladahooda Caafimaad waanay dhicidoonta in qaarka mid ahi ka faa,iidaysandoonaan Cusbitaalkan”.
 
Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Wasiirka qorshaynta Qaranka iyo masuuliyiintii kale oo badan, kuwaas oo mahadnaq iyo duco u diray Maxamed Aaden Sheekh iyo qoyskiisaba. Dhinaca kale Dhakhaatiir ka socday dalka Talyaaniga oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin cisbitaalkan oo maanta qaybtiisa Carruurta xadhiga laga jaray.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: