.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, December 13, 2012

W/ Waxbarashadda Oo Abaal-Gud Min $10,000 Ku Maamuustey 6 Macalin Oo Hawl-Gab Ah Iyo...

 
JSL; -Wasaarada waxabarashada iyo tacliinta sare Somaliland, oo kaashanaysa EU-da iyo UNICEF ayaa shalay min Toban kun oo Dolar iyo shahaado sharaf ku maamuustay lix macalin oo ka mida macalimiinta ruug cadaaga ah ee xiligan hawl gab noqdoy.
 
Xaflada lagu sii sagootinayay macalimiintaas ayaa shalay ka qabsoontay hoolka shirarka xarunta waxbarashada gobolka Maroodi-jeex, waxaan ka soo qeyb galay, Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshadda Maxamuud Barre Garaad, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Nuux Sh. Muuse, masuuliyiin ka socdey Hay’adaha EU iyo UNICEF, Guddoomiyaha Jaamacada Camuud iyo Macalimiinta lacagta iyo shahaadada la gudoon siiyay.
 
Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo munaasibadaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in lix macalin oo hawl-gab noqdey ay gudoonsiinayaan lacag (10,000$) iyo shahaado sharaf, waxaanay tilmaantay in macalimiintan ay in badan wadanka ka soo shaqeeyeen isla markaana mudan yihiin in la karaameeyo.

 
Marwo Samsam Cabdi Aadan iyada oo arimahaas ka hadlayana,waxa ay tidhi “Waxaanu maamus ku sagootinaynaa lix ka mida macalimiinta ruug cadaaga ah ee Wasaarada mudada dheer ka soo shaqeynayey, waxaanu u qorshaynay annaga oo kaashaynayna EU-da iyo UNICEF adduun dhan toban kun oo dolar (10,000$) iyo waliba shahaado sharaf ”. Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo hadalkeeda sii watay waxay intaasi ku dartay “Macalimiintan muddo badan ayay wadanka ka soo shaqeeyeen maaha dameerkii marka uu garbo beelo halka uu taagan yahay lagaga dhaqaaqayey, waxaanay mudan yihiin aduunkan yar ee aanu gudoonsiinay mid ka badan”.
 
Sidoo kale Wasiirka Waxbarashaddu waxay intaasi ku ladhay “Markii aan Wasaaradda aan imi macalimiintan iyo dhalinyaro oo Wasaarada Waxbarashada ka tirsan ayaa hawl-gab lagu qorey iyada oo aan waxba nalaga ogaysiin taasaa keentay inaanu ka hawl galno oo aan dib u soo celino, waxaan hawshan naga caawiyey Haay’ado badan oo kala ah EU-da iyo UNICEF, waanan u mahad celinayaa”. Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxay lixdii macalin mid-mid u gudoonsiisay jeeg ay ku qoran yihiin lacag dhan toban kun dololar (10,000$) iyo shahaado sharafeed.
 
Macalin, Ibraahim Maxamed Siciid (Dhagawayne), oo ka mida lixda macalin ee hawl gabka noqday ee wasaaraddu lacagta ugu deeqday, ayaa sheegay inay ku adag tahay in uu dareenkiisa farxadeed uu hadal ku cabiro, waxaanu codsadey in sawiradooda lagu daro sawiradda macalimiintii hore waxbarashada ee sudhan hoolka shirarka ee wasaarada oo hab maamuus looga dhigo, waxaanu sheegay inay garab taagan yihiin Wasaarada Waxbarashada tallo iyo tusaale wixii looga baahdo.
 
Dhinaca kale magacyadda Lixda macalin ee Lacagta iyo shahaadooyinka la gudoonsiiyey ayaa waxay kala yihiin Ibraahim Siciid Dhego-weyne, Maxamed Kaahin Diiriye, Maxamuud Xaaji Xasan (Tulux), Maxamuud Maxamed Ismaaciil iyo Cabdi Gaax-nuug.
 
Si kasta ha ahaatee Waa tallaabadii ugu horeysay ee wasaarad ka mid ah Haay’adaha dawliga ahi ku abaal mariso shaqaalaheeda tacabka badan soo galay, waxaana soo dhaweeyay hawl-wadeenadda kala duwan ee wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: