.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, December 22, 2012

Sheeko: Marka Aan Dhergo Dabadeed!

'
'Aar-oow haba ka yaabin inaan mar dambe si fudud labadeena helis inoo geliyo.” Dayo
 
- Dacawo aad u gaajoonaysa oo waxay cunto Caynta/kaynta ka raadinaysa, ayaa waxay ku soo baxday awr gool ah oo naaxay oo baadi ah. Hilib baylaha ayaa halkaa uga muuqday. Waxa kaloo se u muuqday in aany hayn awood ay ku hantido. Markaasay feker bilowday. Waxa ku soo dhacay inay libaax ay meel ku ogayd dib ugu noqoto oo u soo sheegto awrkan baadida ah si uu u dilo oo ka dibna hilibkiisa ay u wadaagaan. Libaaxii ayay u tagtay oo awrkii uga warantay; ka dibna way isa soo raaceen.

Waxay soo dhabacdaanba libaaxi awrkii ayuu weeraray oo uu dilay. Midba hareertiisa ayuu ka galay awrkii goolka ahaa oo hilibkiisii ka hirqaday. Markay dhergeen ayaa midba dhinac isu tuuray. Dacawadii ayaa tidhi, “Aarow, marka aan dhergo waan heesaa.” Libaaaxii ayaa ku yidhi, “Dayooy, maanta ha heesine inaga daa. Maxaa yeelay, dad baynu baadidoodii cunay oo weli dul jiifnaa. Iyana baadidoodii way raadinayaan. Waxan ka baqanayaa haddii aad heesto in baadidoonku inoo soo raaco heestaada.”

Markuu aarki talaada waayeelnimada leh soo jeediyay, dayo way garowsatay. Hasa yeeshee, in yar ka dib ayay is haysan kari wayday oo hees ku dhufatay. Libaaxi ayaa yidhi, “Bal aamus kaa waayay, waxad ka hesho ayaynu eegnaa.”..... In yar ka dib ayaa waxay maqleen sanqadh xagoodii u soo socota. Dhegaha ayay taageen; ka dibna inta ay ruqaansadeen ayay dhincii sanqadhu ka imanaysay diiradda saareen. Waxay sheedda ka arkeen dad baadidoon ah oo xagooda u soo socda.

Libaaxii ayaa yidhi, “Dayooy, waa taan aamus kaa waayee, inaga kici meesha.” Iyaga oo dhuumaalaysanaya ayay halkii ka carareen. Siday u ordayeen ayay ku soo baxeen webi. Libaaxa, oo dabaasha yaqaan, ayaa webigii galay. Dacawadii ayaa qaylisay oo tidhi, “Aarow, waad ogtahay oo dabaasha ma aqaano eh, xageed igaga tegaysaa?” Libaaxii ayaa ku yidhi, “Soo fuul dhabarkayga.”

Markay webiga badhtankiisii marayaan, ayaa libaaxi yidhi, “Dayooy, markaan biyaha webiga galo, waan muquurtaa.” Ka dibna hoos ayuu biyihii ugu dhegay. Dayo ayay biyihi kor u dhaafeen oo hafan gaadhay. Inta ay qaylisay ayay tidhi, “Aarow, meehsa haygu dilin. Haddii aad hoos u sii muquurta waan hafanayaa.”

Libaaxii ayaa ka naxay dacawadii, markaasuu kor u soo kacay. Markay webigii ka talaabeen ayuu libaaxi ku yidhi dacawdii, “Dayooy, naftu inay macaantahay sow maad ogaan? Mar dambe miyaad si fudud halis inoo gelin?”Allay lehe maya. Naftu way macaantahay, nafqaysina waynu yeelanay, ee ha ka yaabin inaan mar dambe si fudud labadeena helis inoo geliyo.”Ayay Dayo tidhi
 
Prof, C/Salaam Yaasiin

No comments: