.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, December 25, 2012

Djibouti: Xisbiga PND Oo Kala Jabay! *Dhegayso


- Xisbi siyaasadeed ka mid ah kuwa mucaaridka ah ee ka  jira Jamhuriyada Djibouti oo magaciisa la yidhaa PND, ayaa is-khilaaf siyaasadeed oo culusi uu ku yimid, xisbigaasi ayaa haatan u kala jabay 2 garab oo iska soo hor-jeeda. Xubno ka tirsan xisbigan la yidhaa magaciisa PND ayaa sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiye Adan Rooble Cawaale oo isagu in badan xilkaasi hayay, isla mar ahaantaa waxa ay guddoomiye u doorteen mudane C/raxmaan Maxamed Alaale.

Talaabadaasi waxaa ka horyimid oo ku sheegay wax aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn gudoomiyaha xisbiga PND mudane, Aadan Rooble Cawaale. Mudane Aadan wuxu ku adkaystay inuu isagu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee xisbiga siyaasiga ah ee PND. Hadaba Laba wareysi oo ku saabsan arintan oo ay idaacada Somali-VOA la yeelatay mudane C/raxmaan iyo mudane Aadan hoosta ka dhageyso.
 
*Dhegta maal*

No comments: