.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, December 24, 2012

Baarlamaanka Oo Soo Jeediyey In Guddi Baadhisa Loo Saaro Musuqmaasuqii Doorashadii Degaanka

 
- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo dood xasaasiya ka yeeshay Ajandaha kalfadhiga 20aad ayaa doodahooga ku soo jeediyey in guddi baadhisa loo saaro rabshadihii dhismashada iyo dhawaaca keenay ee ka dhashay natiijadii doorashada golayaasha deegaanada ee dalka ka qabsoontay 28 November 2012-ka iyo Musuqmaasuqii ka dhacay codadkii ka soo baxay doorashada, iyagoo dhinaca kalena mudanayaasha aqalabiyadoodu ay doodahooga ku soo jeediyeen in ajandaha kalfadhiga laga saaro xeerka saxaafada ee lagu shirqoolayo sharciga dhaqan galka ah ee anshaxa saxaafada oo ay ku tilmaameen mid muhmal ah, oo ka horimanaysa madaxbanaanida saxaafada, taas darteedna ay ku taliyeen in ajandaha laga saaro.
 
Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo gudoominayay fadhiga shalay oo ay doodahooga ka dhiibteen mudanayaal door ah oo iskaga aragti ahaa badidoodu in ajandaha lagu soo daro qiimaynta xaalada dalka, guddi baadhisana loo saaro dibaatooyinkii ka dhashay doorashada. Md Maxamuud Jaamac Xaaji Cilmi oo ugu horayn doodiisa ka dhiibtay ajandaha kalfadhiga ayaa ku dooday;

“Waa in ajandaha lagu soo daro qiimaynta xaalada dalka, isla markaana guddi baadhisa loo saaro dhibaatooyinkii ka yimid natiijadii codadka dooarshada golayaasha deegaanka oo sababay in dad ku dhinteen qaladaadkii ka soo baxay habkii doorashadu u dhacday”.
 
Md Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) ayaa isaguna ku dooday in ajandaha laga saaro xeerka saxaafada, tilmaamayna in xeer hore oo saxaafada oo dhaqan gal ahi uu jiro “Waxaan soo jeedinayaa in ajandaha laga saaro xeerka saxaafada ee lagu soo daray, maxaa yeelay xeer hore oo dhaqangal ah oo saxaafadeed ayaa jira, saxaafad iyo suxufiyiintuna waxay u baahan yihiin tababaro aqoontooda saxaafadeed kor loogu qaado” Md Bashiir Xuseen Tukaale ayaa isaguna ku dooday “Musuqmaasuqii ka dhashay codbixintii doorashada iyo dadkii ka mudaharaaday ee lagu laayay-ba waa in guddi baadhis ku samaysa dhibaatooyinkaasi ay xukuumada iyo komishanku sababeen goluhu u saaro, waxaa dhacday in waraaqihii codbixinta suuqyada lagu kala koobi garaysto”
 
Md Aadan Xaaji Diiriye Dirir ayaa isaguna naqdiyay qaabka shirgudoonka ay usoo diyaariyaan ajandayaasha “Qodobadii qabyada ka ahaa ajandihii hore waa in la keeno si loo qabyo tiro, ajandayaasha kalfadhiyada ma shirgudoonka iyo xoghayahaa soo diyaarsada mise waa in guddiyada lala tashado oo xeerarka ay hayaan lagu soo daro, guddigayaga khayraadka dabiicigu waxaanu haynaa 1. xeerarka Kaluumaysiga 2. xeerka dawooyinka cayayaanka lagu buufiyo 3. Consumar act, waxaan soo jeedinayaa in ajandaha lagu soo daro xeerarkaasi”.
 
Xildhibaan Baar Siciid Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo iyaguna doodahooga ka dhiibtay, ayaa soo jeediyay in xeerka saxaafada ee muhmalka ah laga saaro ajandaha, kuwaas oo ku tilmaamay mid ka horimanaya xeerka anshaxa saxaafada ee dhaqangalka ah xeer Lr 27/2004.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: