.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, November 21, 2012

Tuke iyo Xuur: ''Sheeko''...Prof, C/salaam Yaasiin

 
- Sida la-yidhi, Tuke ayaa wuxu ku hinaasay xuurta baalka cad leh. Wuxu jeclaystay inuu bedelo baalkiisa madow oo baal cad yeesho. Markii xuurtii u fiirsady, ayaa waxay la noqotay inay biyahan ay xuurto ku nooshahay ee mar walba ku jirto baalkeeda cadeeyay.

Ka dib markii ay sababti sidaa ugu muuqatay, ayaa wuxu tukihi goostay inuu dhirtan uu saaranyahay guudkeeda ka soo dego oo, sida xuurtana, biyaha ku noolaado si uu baalkiisu u cadaado. Dhirtii ayuu ka caagay; oo wuxu u go’ay webiyada iyo harooyinka.

Hadh iyo habeenba biyihii ayuu ku jiraa si uu baalkiisa madoobi u cadaado. Wuxu ogaaday inaanu qaadhaabkii oo dhirta guudkeeda iyo dhulka ka heli jiray biyaha ka helayn. Hase yeeshee, wuxu is tusay inuu muddo gaajada u adkaysto si uu u cadaado.

Haddii uu muddo ku jiray biyihii, gaajona ku raagtay oo taag dareeyay, ayuu baalkiisii eegay. Wuxu arkay inuu weli madowyahay oo aan waxba iska bedelin. Markaasuu ogaaday in madowgu dhalanyahay oo aan biyuhu caddaynayn.

Goor dambe ayuu se wax gartay. Markuu is yidhi duul oo dhirtaadii ku noqo ayuu duuli kari waayay; iyada oo ay isugu darsameen baalkii oo ka qoyay iyo gaajo. Biyaha dhexdoodiina wuu ku le’day!!! 
 
W/q: Prof, C/Salaam Yaasiin

No comments: