.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, November 20, 2012

Dr Xoglo Toosiye Oo Dadka Reer Buuhoodle Ugu Baaqay Inay Somaliland Wax La Qabsadan

 
- Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) ayaa xukuumadda Somaliya loo dhisay ku tilmaamay in ay tahay mid ku eeg Koonfur oo kaliya, waxaanu kula taliyey dadka reer Buuhoodle ee rajaynaya in ay wax ka helaan xukuumaddaasi in aanay ku hungoobin ee ay dadka reer Somaliland wax la qaybsadaan. Wasiirka dib u dejinta Somaliland oo ka hadlayey barnaamij ka baxa Telefishanka qaranka Somaliland oo lagu magacaabo La kulanka Wasiirada iyo weydiimaha dadweynaha ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in hadda la marayo yaa reer Woqooyi-yay lagana gudbay qabiilkii ama yaa reer hebel ahaay-dii.
 
“Reer Buuhoodle Waxaan Leeyahay Xukuumadda Somaliya Loo Dhisay Waa Mid Koonfur Ku Eg, Waana Laga Baxay Wakhtigii Qabyaalada ama ayaa reer hebel ah, waxaana la marayaa wakhtigii la odhanayey yaa reer woqooyi ah ama reer Somaliland ah, waxaanan idin leeyahay dadkeena Somaliland aynu wax la qaybsano”ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Xaglo toosiye oo la hadlayey dadka reer Buuhoodle ee Somaliya wax ka quudaraynaya.- Qurbejoog.com

No comments: