.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, October 28, 2012

Xildhibaan Sangal Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Ay minjo Xaabinayso Axsaabta Mucaaridka

 
''cuqaasha gobolkana waxaanu uga digaynaa inaanay ku dhex milmin axsaabta iyo kaambaynka doorashada..''. Xildhibaan Sangal
 
- Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan ''Sangal'' oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka degmada Gabiley, kana mid ah masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku eedeeyay in faraglin ay ku hayso taageerayaashooda, isla markaana uga digay in xukuumadu faraglintaasi ka joojiso qabsoomida doorashada deegaanka.
 
Xildhibaan Ibraahin Sangal waxa kale oo uu uga digay Madaxdhaqameedyada gobolka Gabiley inay siyaasada iyo axsaabta ay ku dhex milmaan, uguna baaqay inay faraha kala naxaan murashaxiinta u taagan doorashada golaha deegaanka degmada Gabiley. Xildhibaan Sangal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay nagu soo booqday xarunta Haatuf, isla markaana ka waramay arrimahaasi, ayaa ugu horayna waxa uu yidhi;

“Xaalada guud ee degmada Gabilay hada way fiicantahay, kaaliinse waxaad moodaa in doorashada deegaanada ee la galayaa ay tahay mid natiijadeeda la sii ogyahay, maxaa yeelay waxa hada ka jira Gabiley saraakiil la tirsan xukuumada, xisbiga kulmiye iyo cuqaal isku bahaystay sidii loo cadaadin lahaa xisbiga Ucid, waxaanu uga digaynaa xukuumada Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye inaanay wax faro galin ah ku sanaynin doorashada si dalka ay uga dhacdo doorasho xor oo xalaal ahi, waa doorashadii ugu horaysay ee xisbiga Kulmiye qabsoomideeda lagu tijaabinayo, waxaanan uga digaynaa in faro galin ay ku sameeyaan axsaabta mucaaridka, cuqaasha gobolkana waxaanu uga digaynaa inaanay ku dhex milmin axsaabta iyo kaambaynka doorashada, caaqilka dhinac taageeraana Musharixiinta kale caaqil u noqon maayo, balse waxaanu ugu baaqaynaa cuqaashu inay dhaqanka iyo magta ku eekaadaan siyaasadana ay faraha kala baxaan”.
 
Xildhibaan Sangal waxa uu intaa ku daray “waxa maalinkasta Gabiley ka socda, maadaama aan xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ahay waan la socdaa, haddii awood xukuumadeed iyo muquunin lagu dayo wax iibsamaya maaha, cidda faro galinta ku samaynaysa axsaabta mucaaridka waa xukuumada, wax qarsoona maaha, waxa jirta in wasiiro ka tirsan xukuumadu ay maalin kasta socdaalo dhuumasho ah ku yimadaan Gabiley oo shirar qarsoodiyana ay ku qabtaan, arrimahaasina waa faragalinta ay xukuumadu ku samaynayso doorashada
 
Xigasho: Haatuf

No comments: