.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, October 7, 2012

Allay-lehe Somaliland-diidkii Xamar (Muqdisho) Tagay Way Ku Xiintay!

 
''Murti ayaa tidhaa; '' Ninka dayro kaga dhacay dad intuu u xilan jiray, noloshiisu duug ma-leh''. Toloow may ku toobad keeni doonaan jacda qabsatay!''. Cali
 
- Horta, waxan soo qadimayaa hambalyo aan u dirayo guud ahaanba dadka reer Soomaaliya (ex-koonfur) ee 21-sano oo col iyo abaar ahaa ka dib haatan u muuqda, inay maskaxdu ku soo degtay oo ay dantoodii garteen! Waxan odhan lahaa, waar nabad inad samaysataan ku dadaala. Taasi dabadeed waxan halkan ka qirayaa oo mudan-na in la xuso abaalka wayn ee uu caalamka u galay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Somalia gudaheed iyo kuwa dibadeeda u qaxayba.
 
Mudo-daa dheer ee ay soomaalidu midiyaha iska aslaysay aduunyadu indhaha kama ay qarsan ee waxa ay ku dadaashay inay dhex-gasho oo ay heshiisiiso, oo ay dabka ka dhigto, iyaga oo waliba talada ay bixinayeen taakulana ku darayay. Aakhirataankii wax la wadoba waataa reer Soomaaliya lagu dirqiyay inay maamul samaystaan.

 Oo waa taa haatan dawlad rasmi ah oo aan ku-meelgaadh ahayn loo yagleelay ee waliba loo magacaabay Madaxwayne, isna waa kaa Raysal-wasaare soo doortay. Wax-qabadkooda dambe si uu noqdaba horta imika ahaan labaduba waa dad ku cusub siyaasada oo aan dambiyo toos ah oo ay ka galeen dadka wali la maqal, taasina waa talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday.
 
Hadaba, taa marka aan intaa kaga gudbo ee aan u-soo noqdo halka aan u danta lahaa iyo nimankii odayaasha ahaa ee reer Somaliland, bal-se iyaba waa cibaaree Somaliland-diidka ahaa, ee hungurigu kaga jiray in ay jagooyin cul-culus oo ay ka mid yihiin, madaxwaynenimo, Prime-minsiter ama gudoomiyaha golaha wakiilada ee Soomaaliya ku helayaan necaybka iyo ka soo horjeedka Qadiyada Somaliland, waxan leeyahay Allay-lehe cashar ayaa loo dhigay!
 
Waar nimanka maxay ku xaadhatay! Iska daa wax kaloo hal jagona xataa in ay helaan waa loo diiday oo waa taa la tusay inay yihiin niman Ajnabi ku ah Somalia (ex-koonfur) !. Murti ayaa tidhaa; '' Ninka dayro kaga dhacay dad intuu u xilan jiray, noloshiisu duug ma-leh''. Toloow may ku toobad keeni doonaan jacda qabsatay!
 
Si lastaba ha ahaatee haatan iyo gabogabo, nin habari dhashay hal ma seegi waayee waxan odhan lahaa duqayda reer Somaliland ee wali riyadii 1960-kii ku manaamaya, ee Muqdisho sii jooga walina eemamaynaya in wax laga dhigo, waar toosa oo indhaha kala fura, mashruucii Soomaali wayn wuu dhamaaday, mana soo noqonayo ee Dhulkiina Hooyo ee Somaliland iimaansada oo iska soo noqda, halkaasaad wax kasta ka noqon kartaane.
 
Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto.
 
Cali Cumar Xasan

No comments: