- Allah ha u naxariistee abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo todobaadkii hore ku dhintay dalka Norway, ayaa maanta maydkiisa la keenayaa Magaaladda Hargeysa, iyadda oo loo samaynayo aas-qaran. Madaxwaynaha Somaliland ayaa aaska Gaariye dhawaan u magacaabay gudi ka kooban wasiirro iyo masuuliyiin kale oo hawsha diyaarisa. Waxa kale oo ay wasaarada waxbarashadu fasaxday ardayda jaamacadaha dalka qaarkood ee uu Gaariye macalinka u ahaa si ay uga qayb-galaan aaskiisa.
Sidaasi oo kale waxa la filayaa inuu aaska Gaariye ka qayb-galayo madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Marxuum Gaarriye oo ahaa nin aad looga yaqaan degelada lagaga hadlo afka-Soomaaliga ayaa ahaa nin aad ugu dadaala inuu ka dagaalamo xaq-darada iyo dulmiga. Waxa uu Gaariye qayb ka ahaa Halgankil dalka Somaliland lagu xoreeyay (1981-1991) ee lagaga soo horjeeday taliskii umulo-dooxa ahaa ee Siyaad Bare, kaasi oo dhulka Somaliland ka samayn jiray dhagaro, xad-gudubyo iyo tacadiyo kale oo badan oo ka baxsan bani'aadamniada. Si kastaba ha ahaatee marxuum Garriye waxa uu ku negaan doonaa mudo dheer oo lagu xusi doonaa Sooyaalka Somaliland iyo geeska Afrikaba.

WYL-News
No comments:
Post a Comment