.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, September 20, 2012

Tarantanka Anaa Ka Siidhiwale Ah: Prof, C/Salaan


- Xafiis ciyaaraha maamula ayaa tartan orod ah abaabulay. Tartamayaashii ka qaybgelayay tartanka ayaa goobtii yimi. Ka dib markii ay is diiwaangeliyeen, ayay isu diyaariyeen bilowgii tartanka. Waxay goobtii tartanka ka waayeen nidaamkii loo geli jiray tartanka. Goobti lagu tartamayay qiyaas ma laha, claamado ma laha, bilow ma laha, dhamaad ma laha. Qaar ka mida tartmayaashii oo yaaban ayaa la xidhiidhay madaxii maamulka tartamayaasha.

Waxay weydiyeen, “Sidee ayay tartanka u geliyaan tartamayaashu oo  loo kala saaraa ciddii gulaysatay iyo cidda aan gulaysan haddii nidaamkii tartanku meesha ka maqan yahay.” Waxay raaciyeen, “Ta kale, jidka lagu tartamayaa sida uu u socodo ayuu saddex jid u kala baxayaa; hadana lix jid u kala baxayaa; hadana sagaal jid noqonayaa; hadana saddex jid noqonyaa; hadana laba jid noqonayaa; hadana jid qudha noqonayaa iyada oo aan tartankii nidaami lahayn!!!”

Madaxii maaulka tartanka u sareeyay wuxu ku jawaabay, “Idinku safkan gala oo diilintaa aan xariiqay istaaga. Tartanka aan ka siidhwale ahayna , markaan siidhiga ku dhufto, big ka siiya! Waa dhuguc iyo dhagac iyo laysuma joogaane!”

“Oo waxan oo jidad ah ayaa jira; calaamadona ma laha; waana isku hor iyo dabo noqonayaan; ee sidaanu ku garanaynaa jidka aan ordayno iyo halka uu ku dhamaanayo.” Ayay tartamayaashii qaar weydiiyeen madax maamullka tartanka.

“Waar waa hadal badan tihiine safka gala! Kuwiinaa imika yimina ka baxa safka idinku tartanka gelimaysaane! Anaa idiin sheegaya xariiqda uu tartanku ku dhamaanayo! Diyaar, weydinkaa! Waa duguc iyo dhagac iyo laysuma joogaane, ka bul dheha!!!” Ayuu ku jawaabay maamulihii tartanka. Talaw, maxaa ka soo bixi tartankaasi!

W/q; Prof. Cabdisalaam Yaasiin

No comments: