.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, September 3, 2012

Maxaad Ka Taqaan Sababtii Uu Siyaad Bare Ku Casilay Axmed Siilaanyo 30-Gu' Ka-Hor


''Haddii Maamulka Siilaanyo uu daacad ka yahay la dagaalanka musuqmaasuqa maxaa Cali Xoor-Xoor loogu soo celiyey maamulkii Dekeda Berbera ee hore xukuumada cusubi uga qaaday?'' C/laahi

- Waxay ahayd horaantii 1980-kii ka dib markii khilaaf xagga maamulka ahi uu soo kala dhex galay madaxwaynihii dalka Soomaaliya ee wakhtigaa Maxamed Siyad Bare iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaa ahaa Wasiirkiisa Ganacsiga . Khilaafkaasi waxa uu soo baxay ka dib markii Axmed Silanyo uu shaqadii ka fadhiisiyey laba nin oo Siyaad Barre ay qaraabo ahaayeen dhib badana ku hayey maamulka Wasaarada Ganacsiga ee Gobolka Jubada Hoose.

Labadan nin waxay ka amar qaadan waayeen maamulkii Wasaarada Ganacsiga isku halayn ay ka qabay madaxtooyadii Siyaad Barre awgeed.Markii arinkani dhacay ayaa Maxamed Siyaad Barre u yeedhay Axmed Silaanyo si uu ugu qanciyo inuu labadan nin dib ugu celiyo shaqadoodii. Arintaa Axmed Silanyo waa ka gows adaygay, waxaanay dhalisay inuu sidaa wasiirnimadii ku waayo, in yar ka dibna uu ugu biro jabhadii Dhaqdhaqaaga Wadinaga Soomaaliyeed ee “SNM” oo uu markii danbe gudoomiye u noqday.

Iminka oo soddon sanno ka soo wareegeen dhacdadan ayaa sheekadii mid la mid ahi soo food saartay Axmed Siilaanyo oo iminka taagan meeshii Siyaad Barre taagnaa wakhtigaa, Wasiirkii Warfaafinta ee Somaliland Bobe Yusuf Ducaalena taagan yahay meeshii Axmed Siilaanyo taagnaa sodon sanno ka hor. Wasiirka Warfaafintu waxuu shaqadii ka fadhiisiyey laba nin oo madaxtooyada isku halayn ka qaba, qas badana ka waday wasaarada. Labadan nin ayaa midi ahaa Agaasimaha Telefishanka Qaranka, Axmed Suleiman Dhuhul, ka kalena ahaa Moxamed Cusman Mire “Sayid” Maamulaha Wargayska Dawan ee afka xukuumada ku hadla.

Markii sheekadani dhacday waxaa Wasiir Bobe Yusuf Ducaale looga yeedhay Madaxtooyada waxaanu isku dayay Madaxwayne Siilaanyo inuu ku qanciyo wasiirka wixii uu ka diiday Siyaad Barre Soddon sanno ka hor taas oo ahayd in nimankii xilka laga qaaday xilalkoodii lagu celiyo. Boobe Yusuf Ducaale waxa uu yeelay sidii Axmed Siilaanyo yeelay sodon sanno ka hor oo waxa uu diiday inuu nimankan xilalkoodii ku celiyo. Axmed Siilaanyo isna waxa uu yeelay wixii Siyaad Barre yeelay sodon sanno ka hor oo waxa uu shaqadii ka fadhiisiyey wasiirkii ku gacan saydhay wixii uu soo jeediyey.

Madaxwayne Siilaanyo ma manta ayuu ku saxsan yahay inuu xilka ka qaado Boobe Yusuf Ducaale ka dib markii uu diiday inuu xilalkoodii u soo celiyo nimankii Madaxtooyada ku dhawaa ee uu shaqada ka fadhiisiyey mise sodon sanno ka hor ayuu saxsanaa markii uu sida Boobe Yusuf Ducaale diidanaa inuu xilalkoodii u soo celiyo nimankii Madaxtoodayada Siyad Barre ku dhawaa ee Wasaarada Ganacsiga dhibta ka waday? Haddii cadaalada laga hadlayo labada jeerba ma saxsanaan karo Axmed Silanyo.

Run ahaantii may haboonayn in Madaxtooyadu ay soo faragaliso arinkan. Haddii labadan nin ee la eryey ay dacwad qabaan waxay ahayd inay dacwadooda u gudbistaan Hay’adda Shaqaalaha ama Maxkamadaha. Tani waxay muujinaysaa walaac badan oo dadwaynuhu hore uga qabay hanaanka maamul ee xukuumada Madaxwayne Silaanyo oo lagu eedeeyo inay faragelin ku hayso shaqaalaha dawladda ee howshooda gudanaya, cidii amarka madaxtoodayada fulin waydana shaqada debada laga dhigo.

Warar lagu kalsoon yahay waxay tibaaxayaan in Wasiir Bobe Yusuf Ducaale uu isku dayay inuu difaaco, Xasan Maxamed Maxamuud, Maamulihii Lacagta iyo Maamulka ee TV Qaranka, oo si qabyaaladaysan ay labada nin ee uu xilka ka qaaday ay ugu soo salideen Hantidhowrka Guud, kaas oo baadhitaan ku sameeyey, ka dibna xidhay masuulkaa oo ka soo jeeda Gobolka Awdal. Xitaa waxaa dhacday in masuulkan baadhitaanku ku socday in lagu amray askartu inay irrida xarunta TV ka celiyaan, taasini keentay in Wasiir Bobe Yusuf ka xanaaqo arinkan, shaqadana ka eryo labada masuul ee falkan ka danbeeyey.

Muddo yar ka hor ayaa isna loo adeegsaday Hanti-dhawka Guud inuu baadhitaan ku sameeyo Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Wasaarada Waxbarashada kaas isna ka soo jeeday Gobolka Awdal. Masuulkan Hanti Dhawrka Guud ayaa xidhay, ka dibna shaqadii waa laga eryey. Ma xuma in lala dagaalamo musuqmaasuqa laakiin haddii xafiiska Hanti Dhawrku noqdo meel si qabyaaladaysan dadka loogu karbaasho, waa arin ku xukun maamulka dowladnimo.

Haddii Maamulka Siilaanyo uu daacad ka yahay la dagaalanka musuqmaasuqa maxaa Cali Xoor-Xoor loogu soo celiyey maamulkii Dekeda Berbera ee hore xukuumada cusubi uga qaaday?

W/q: Cabdillahi Xuseen Da’ud

No comments: