.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, September 17, 2012

Madaxwaynaha Somalia Oo Ka Waramay Wada-Hadalada Somaliland Iyo Somalia


- Madaxwaynaha Cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka waramay Mawqifkiisa ku wajahan Wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, kaas oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu halkii ay marayeen ka sii amba qaado Wada-hadaladii labada dhinac u dhaxeeyey. Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka hadlay Midnimadii lagu Hungoobay ee wixii la isku odhan jiray Somaliwayn ee dhibta iyo Xasuuqa ba’an u horseeday Bulshadda Somaliland ee aan waxba galabsan, isla markaana dagaal dheer ka dib ku guulaystay inay Xornimadooda kala soo noqdaan Somalia inteeda kale 18-kii May 1991-kii.

Madaxwaynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh waxa uu sheegtay inuu ka weecan doono Wadadii ay Hogaamiyayaashii isaga ka horeeyey mareen, kaas oo tilmaamay inuu isku dayi doono hadii ay u suurta gasho inuu Somaliland kala hadlo midnimadaas la Eeday ee galaafatay Kumaan kun qof oo aan waxba galabsan, kaas oo xusay inaanay dhici Karin wax Midnimo oo Xoog ku iman kartaa. Madaxwaynaha dhawaan loo doortay dalka Somalia ee dagaalada iyo Colaaduhu Aafeeyeen Mr Xasan Sh. Maxamuud waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab u waramayey Idaacada VOA-da laanteeda Afka Somaliga. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya qorshihiisa Wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi ;

“Ilaa iyo hada inta aynu ognahay Wada-hadaladaasi waa bilaw, isla markaana aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa oo waanu ku faraxsanahay in 21 sano ka dib in hada ay bilaabantay Fursad lagu wada hadlo oo lala hadlo Somaliland, markaa waxaanu leenahay Dawladda Somaliland Wada-hadalkii lala sameeyey halkii ayaa laga dhaqaajinayaa oo Xanaftii iyo wixii xumaan ahba meesha waanu ka saarayna, run ahaantiina aad iyo aad ayey Mihiimad noogu leedahay inaanu dalka Midnimadiisii ka talino. Mid-nimadaasina inay ku timaado Laab la kac iyo Caadifad ma doonayno, isla markaana Kama shaqeyn doonno midnimo jajuub ah ama xoog Milatari ama mid dulamaasiyadeed ku timaadda ama in Beesha Caalamka loo adeegsado oo Somaliland Midnimadii lagu qasbana ma doonayno, waxaanu doonaynaa Midnimo laga wada hadlay oo Rukuma ad-adag loo dhigay, Xataa waxa aanu rabnaa in Mustaqbalka lagu daro Manhajka Waxbarashada si Jiilasha cusub ee Somalidu u ogaadaan wixii lagu heshiiyey si aanu khaladaad u dhicin 30 sano 40 sano ka dib waaba hadii aanu Midawno oo aanaan dib iskugu dhicin, laakiin aniga dawladda aan Madaxda ka ahay Midnimadu waa noo Mihiim”.

Dhinaca kale hadalkan ka soo yeedhay Madaxwaynaha Cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya mid muujinaya inaanu Ogalayn Madaxbanaanida Somaliland, kaas oo si indho la’aana isaguna sidii Madaxdii Xilkaas uga horaysay afkiisa ugu diiday inuu soo mariyo Xasuuqii iyo Dhibaatadii reer Somaliland loo gaystay.

Xigasho; Haatuf

No comments: