.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, September 30, 2012

Jid Ha La Marin!: Prof. C/Salaam Yaasiin

 
- Laba nin baa wada socdaalay. Wadadii ay haysteen ayaa meel xidh ah la gashay. Iyaga oo xidhkii dhex socda, ayaa waxa ku soo baxay libaax. Labadii nin mid baa markiiba cararay oo geed dheer fuulay. Kii kale, oo aan weli halkiisii ka dhaqaaqin, ayaa libaax ku soo dhowaaday. Ma carari karo, geed ma kori karo, libaaxa uma jilib dhigi karo. Wuxu tab iyo xeelada si degdeg ah u raadshoba, wuxu talo ku gaadhay inuu jiifsado oo mayd iska dhigo. Markuu jiifsaday ayaa libaaxii dul yimi. Ninkii, oo dhaqaaq daayay, oo neeftii isku dhejiyay, oo bakhti iska dhigay, ayaa libaax dhowr jeer ursaday. Libaaxi inuu ninki bakhti yahay ayuu u qaatay. Libaaxuna bakhatiga ma cuno. Sidaa darteed libaaxi nikii jiifay wuu ka tegay.
 
Ka dib markuu libaaxi fogaaday oo kayntii dhex galay, ayaa ninkii geedka dheer fuulay soo degay oo u yimi kii dhulka jiifay oo sare fadhiya. Wuxu weydiiyay, “Libaaxi waa kii kula xanshashaqaye, muxuu dhegta kuu saaray?” Ninkii jiifsaday wuxu ugu jawaabay, “Libaaxi wuu ila taliyay.” Isaga oo yaabsan ayuu ku yidhi, “Oo muxuu kugula taliyay?” “Wuxu igula taliyay in aanan jid la marin nin marka halis ka hortimaado carara!!!”
 
W/q: Prof, C/salaam Yaasiin

No comments: