.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, September 15, 2012

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo W/Cadaalada U Digay Xukuumada Ugu Baaqay....


- Guddoomiyaha Maxkamada sare Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid uga digay inuu sheegto magaca garsoorka, kuna tilmaamay arrin qayrul sharciya in wasiirka cadaaladu xambaarto magaca garsoorka, waxaanu ugu baaqay inuu akhriyo qodobada distoorka ee cadaynaya awoodihiisa. Gudoomiyaha Maxkamada sare waxa kale oo uu ugu baaqay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay ixtiraamto madaxbanaanida distoorku siiyay waaxda garsoorka, soona jeediyay in la dhamaystiro qodobada distoorka ee qabyada ah. Dr Yuusuf Ismaaciil Cali waxa kale oo uu qiime dhimis ku sameeyay lacagtii Feega ee kalkaaliyayaasha Maxkamaduhu ay ka qaadi jireen gal-dacwadeedyada Maxkamadaha loo soo gudbiyo uu ka dhigay 10,000 S/land shilling ah. Gudoomiyuhu waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi;

Qoraalkii xeerka Anshaxa waxa uu ku soo bixi doonaa Jaraa’idka, waxaa jirta arinay cabashadeedu taagnayd oo ay dadweynuhu ka cawdaan, taas oo ah kunnada ay kaaliyaayasha Maxkamduhu qaataan ee ay ka qaataan dadka dacwadaha, taas oo aan hore u xadidnayn, xeer ayaa qeexayey kunnadaas dacwadaha madaniga aha ee xaqul qalinka loo yaqaano, waxa ka reeban waxayaabaha aanu xadidinay inay dacwada Xukunada ama dadka Xukuman ay ka qaataan wax lacag ah, waxa kale oo aanu ka reebnayn qoraalada kale ee ka soo baxa maxkamadaha ee ay ka mid ka yihiin baafimaha, inaanay waxba ka qaadan.

Isla arintaasi waxaanu go;aansannay in la xadido lacagaha ay ka qaataan lacag oo aanu ka dhignay inay dacwadaha ay daabacaan inay ka qaataan Toban kun oo shilin halka bog ee waraaqda (10’000), taas oo aanu qiimayn ama baadhis ku samaynay oo aanu ogaanay inay dadka ku adag tahay oo ay xataa dadka qaar ka qaadaan Boqol Dollar($100), markaa dadka waxdaanu u shegaynaa inaaanay intaas in ka badan bixinin, waxaanu u sheegaynaa dadka inaanay bixinin wax aan xaq loogu lahayn, yaanaan maqli boqol dollar ayaa laga qaaday, dad weynaha waxau u sheegnay inaanay ku fidmaynin garsooryaasha iyo jeebkooda”

“Waxaan kale oo jira caqabado na hortaagan oo ah dhinaca gaadiidka oo aanaan haysan wax gaadiid ah, waxaanu hore uga sheegmnay Xukuumadda oo waanu ka sugaynaa, waayo Maxkamaddu waxay u baahantahay inay soo xaqiijiso meel kasta oo ay ka garnaqayso oo ah mis sanaag ilaa Saylac ah, waxa loo baahanyahay in la soo arko, taas oo u baahanin gaadidi la adeegsado”.

“Waxaanu ka dhaxallay Garsoorayaashii hore dadwado aad u badan oo aanay Go’aan ka gaadhin, waxa halkan naloogu soo magacaabay Todoba Garsoore oo hadda lix ayuubaanu kaga hawl galnaa, midna mabaanaan arag oo waxaan filayaa inuu ka maarmay hawshan inuu nala galo, lixdayadii ayaa hawshaas waajahnay oo ay ka mid ahaayeen Kiisas kala duwan oo nooc walba leh oo ay ka mid ahaayeen lix kiis oo siyaasi ah, waanu ku guulaysannay ilaahaynan wuu nagu garab galay, wixii noo hadhsanna waanu wadaynaa”

“Waxaa arintas ka hadlaya ditoorka Somaliland oo ah qodobka 106 oo qeexaya xidhiidhka Garsoorka iyo wasaaradda Caddaaladda, waxaan idiin sheegayaa halkaas kuma qorna Wasaaradda Caddaaladda iyo Arimaha Garsoorka, waana la iidhegay inuu boodha Wasaaradu sidaas yahay, waanan arkay Saxeexyo uu wasiirku ku soo saxeexay sidaas, waana mushkiladii soo jiitami jirtay, qaranku waxa uu ka koobanyahay sadex waaxood oo kala ah, waaxda Garsoorka, waaxda filinta iyo waaxda sharci dejenta, intaas waxa kulmiye Madaxweynaha oo madax u ah, markaa wada shaqayn ayaa naga dhexayn karta anaga oo kala madax bannaan, Waxaan leeyahay Wasiirku Ditoorka ha akhristo waxa uu farayo”.

“Waxaan soo jeedinayaa in Distoorka Somaliland wax laga bedelo, oo la dhamaystiro Xeerar badan oo qabyo ah oo ku jira Distoorka, waxa ka mid ah Xeerkii Xuquuqda Garsoorka ee habayn lahaa, xeer ayaa habaynaya baa la yidhi arrimaha garsoorka waana qabyo waxaanay u taalaa Golayaasha sharci dejinta, Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo, waxa ay Buugeedii Siyaasadda ku qortay in wax laga bedelo nidaamka garsoorka oo aan ahayn mid madax banaan ayaa ku qoran”.

Xigasho: Haatuf

No comments: