.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, September 21, 2012

Faysal Cumar Mushteeg Oo Geeriyooday


- Allah ha u naxariisto ee waxa caawa dhintay Fanaankii caanka ahaa ee magaciisa la odhan jiray Faysal Cumar Mushteeg, oo ka mid ahaa Fanaaniinta aadka looga yaqaanay dhulka Soomaalidu ay degto. Faysal Cumar Mushteeg ayaa la sheegay inuu maalmihii u dambeeyay aad u xanuusanayey.

Faysal Cumar Mushteek ayaa ka mid ahaa fanaaniinta taariikhda dheer ku leh fanka Somalida isaga oo waliba ahaa nin shaqodiisu ay ahayd Macalin! Waxa uu fanaankani ka mid yahay kuwii ugu horeeyay ee salka u dhiga fanka Somaliland! Isaga oo ku soo dhex jiray mudo haatan ka badan 50 gu'.

Faysal, waxa kale oo uu ahaa nin mudo badan macalim ka soo noqday meelo badan oo ka mid ah jamhuuriyada Somaliland, isla mar-ahaantaa waxa uu soomaray meelo badan oo caalamka ah.

Faysal Cumar Mushteeg Allah ha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa rukumada ugu waawayn ee fanka reer Somaliland. Allah Ha U Naxariisto, Aamiin. 

WYL-News

No comments: