.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, September 15, 2012

''Booraan Hadimo'': Prof C/Salaam Yaasiin


- Libaax ayaa subixii kalahay oo ugaadhsi tegay. Waxay jidka isku dhaafeen dawco iyana soo ugaadhsi tagtay. Libaaxi raxan deero ah ayuu ku soo baxay oo baacsaday; wayse ka fakadeen oo wuu gaadhi-waayay. Dawcadiina sheedda ayay ka daawanaysaa. Hadana wuxu ku soo baxay raxan cawl ah; iyana waa baacsaday waana gaadhiwaayay. Barqo ayay ku dhowaatay; cadceedina waa kululaatay. Libaaxiina gaajo iyo daal ayaa isugu darsamay. Wixii tamar ku hadhay intuu ururiyay, ayuu aydii iyo banaankiiba diiradda saaray. Wuxu arkay siig kaligii meel daaqaya. Rejo ayaa halkaasi uga muuqatay inuu ugaadh uu ku qadeeyo maanta helo.

Intuu geediihii oo dheeraaday dhexgalay ayuu xagii siig u gucleeyay. Markii uu ku dhowaaday, ayuu dhabacday, oo sanqadh tirtay, oo gaatamay. Haddii uu hubsaday inaanu siigi dhaadin ee uu iska daaqayo, ayuu wixii uu taag iyo tamar lahaa isu geeyay oo weerar xoogan ku qaaday. Siigii oo aan weerarka filaynin ayaa goor dambe hambaberay oo is yidhi fako. Hase ahaatee, intaanu meel fog gaadhin ayaa libaaxi ku habsaday oo dhulka dhigtay.

Dawacadii dhacadooyinkaas oo dhan waa daawanaysaa. Markay aragtay inuu libaaxi ku guulaystay ugaadhsigii oo cuno uu muddo ku gaajo beelo helay, ayay ku fekertay inay cunadaasi wax ka hesho. Libaxii oo raqadiis dul fadhiya ayay ku soo dhowaatay bal inay fursada ay in yar kaga goosato hesho. Markuu se libaaxi dayo arkay ayuu jibaad weyn oo argagax geliyay dayo jibaaday.

Intay dib isaga noqotay ayay tab kale oo ay libaaxa helibka kula qaybsato ama kaga qaado baadi doontay. Waxa ku soo dhacday inay libaax khiyaamayso oo booran aanu ka soo bixi Karin ku rido. Ka dibna raqda u hadho oo ka dheregto. Booraan ayay heshay. Booraantii ayay afkeedii ood ku dabooshay. Oodda guukeediina waxay saartay caleemo badan iyo caws badan. Markii ay hubsatay inaanay booraanti muuqanay, ayay xaggii libaaxa u kacday.

Libaaxii oo dhergay oo raqdiisii ag dhacadiida ayay u timi. Waxay ku tidhi, “Libaax, waadigan oo si wanaagsan ayaad u dhergtay. Inaad si wanaagsan u seexatona waad u baahantahay. Waxan soo arkay meel halkan kaaga raaxo badan oo aad si waangsan ugu seexan karto ee ma ku tusaa?” Libaaxii ayaa yidhi, “Bal ina wado halkaa raaxada leh ee aad sheegayso aan soo arkee.”

Markii ayay dul yimaadeen booranntii qarsoonayd, ayaa libaaxi inta uu eegay dayo ku yidhi, “Bal hadda dayoy ku jiifso aan qiyaaso raaxa wanaagga meeshe.” Ilay ma diidi karto dacawadi libaaxa oo waxay ka baqanaysaa inuu dilo eh, booraantii ayay aayar ku jiifsatay. Hasa ahaatee, culayskii dawacda oodii, caleentii, iyo cawskii way hayn kari waayeen oo booraantii ayay ku dhacday!

Libaaxii intuu hoos u eegay ayuu ku yidhi, “Dayoy, waxa horaa loo yidhi: booraan hadimo ha qodin ku dhici doontaan ma ogide!!!”

W/q; Prof; Cabdi-Salaam Yaasiin

No comments: