.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, September 30, 2012

Beesha Bariga Sanaag Oo kalsoonidii Kala Noqotay Puntland Oo Somaliland U-soo Noqotay

 
- Shir maalmihii u danbeeyay uga socday Beesha Aadan Siciid (Warsangari) ee magaalada Badhan ee Somaliland oo ay aayahooda kaga tashanayeen, ayaa maanta la soo gunaanaday isla markaana laga soo saaray qodobo. Shirka beesha u socday ayaa looga wada hadlayay aayo ka tashiga beesha,waxaana laga soo saaray qodobo xasaasiya.
 
Qodobada beesha Aadan Siciid ay soo saareen waxa ka mida;
 
1} Midnida Beesha Aadan Siciid Waa Muqadas lama tab taan ah.
 
2} Beeshu waxay kala noqotay kalsoonidii Xukumada Faroole (Puntland), Sababahan hoose dartood;
A} In ay ka gaabisay horumarkii Deegaamada.
B} Xukumad oo eex iyo Cadaalad daro ku samaysay beesha.
C} Xukuumada oo meel kaga dhacday xuquudii ay beeshu lahayd.
E} Xukuumada Faroole oo ilaalin weyday wixii loo idmaday.
 
3) Kalsooni kala noqoshada Suldaan Siciid Suldaan C/salaam.
A} Saldanadii soo jireenka ahayd ee warsan gelis oo lagu faah faahiyey bayaan gaar ah
B} Beesha oo lahayd Isimo mudo 13 sano ah iyo Cuqaal lagala soo xidhiidhi karo,

4) Beeshu waxay saartay gudi siyaasiyiin ah taas oo xidhiidh la samayn doonta Xukuumada S/omaliland wixii ka soo baxana dib loogu soo celin doono, 99ka ergay iyo beesha,
B} Beeshu waxay gacan saar la yeelanaysaa Cida kala shaqaynaysa horumarka degaamada.
 
5) Ilaalinta iyo adkeaynta nabad gelyada iyo deris wanaag dhamaan beelaha soomaliyeed gaar ahaan ku aan deriska anahay.
 
6) Taageerida Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Gobolada , sida Dekeda, jidadka iyo dhamaan qaybaha kale ee horumarineed ee bulshadu u baahan tahay.
 
7) Ilaalinta deegaanka, sida gubida dhirta, samaynta degaamo aan daruuri ahay, iyo gurashada macdanta aanay ka tashan Beelaha Gobolka wada dega.
 
Waxaan baaqan u diraynaa dhamaan bulshoe weynta somaaliyeed, Isimada Soomaaliyeed, Dawlada Faderaaka ah ee Somliya, Maamulada Somaliya, Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa maxaliga ahba.
 
Waxaa baaqan soo saaray,
 
1) Suldaan Xasancalijibriil.
2) Ugaas Ibraahin Cali Shibiin.
3) Jiif Caaqali: Max;ud C/le Dabshid.
4) Nabdoon: Xasan Faarax Max’ud
5) Nabdoon: Max’ud Faarax Ducaale.
6) Nabdoon: Jaamac Max’ud Max’ed
7) Nabdoon: Cabdle Ciise Xuseen.
8) Iyo 99 kii ergay ee shirka
 
Xigasho: Somalidiapora

No comments: