.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, August 21, 2012

Somaliland Oo Wayday Saaxiib Run Ah: ''Geerida Meles Zenawi''!


- 1991-kii oo ah markii ay dhamaan beelaha dega Somaliland isku af-garteen inay la soo noqdaan xoriyadoodii iyo qaran-nimadoodii ay sida aan ka fiirsashadu ku jirin ugu dareen Somalia-italia, waxa Itoobiyana ka curtay is-bedel siyaaadeed oo cusub oo maamulkii dalka waxa gacanta ku qabtay jabhado iskaashaday oo laba ahaa (TPLF iyo EPRDF), kuwaas oo dagaal kaga guulaystay xukuumadii Mengistu Haile Mariam.

Isla judhadiiba labada xukumadood ee da'da yari waa Somaliland iyo Itoobiay-e oo ku cusubaa saaxada siyaasada aduunku waxa ay unkeen xidhiidh is-af-garad balaadhan wata oo u dhaxeeyay labada umadood. Ugu horaynba waxa si aayar-aayar ah looga bogsaday cadaawadii guunka ahayd ee la dhex dhigay labada dad ee walaalaha ah, taas oo runtii dhaawac wayn u gaysatay jiritaankooda, noloshooda iyo olog-nimadoodaba.

Waxa maamuladii kala dambeeyay ee soo-mara dalka jamhuuriyada Somaliland iyo maamulkii Meles Zenawi oo isagu intaaba talada dalka Itoobiya gacanta ku hayay ay ku dadaaleen kuna guulaysteen, in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin ganacsiga, horumarinta bulshada iyo waliba ilaalinta xasiloonida iyo amniga gobolka Geeska-Afrika ee ay labda wadan ku yaalaan oo xaalado qalafsani intaaba ka aloosnaayeen.

21-kaa sano ee ay soo jirtay Somaliland oo ay runtii la-soo halgamaysay jiritaankeeda siyaasadeed aadna ugu baahnayd saaxiib dhab ah oo uga hadla madalaha lagu gorfeeyo siyaasada qaarada Afrika guud ahaan, gaar ahaan-na ta Geeska-Afrika, wadanka kali ah ee u darbanaa mar-kasta waxa uu noqday dalka Itoobiya oo uu hogaamiye u ahaa Meles Zenawi, waxana maamulkii Meles ZENAWI ka mid ahaa arimaha ay wax wayn uga tareen Somaliland kuwan soo socda;

- Maamulkii Meles Zenawi waxa uu kala qayb-qaatay dawladahii kala dambeeyay ee Somaliland soo-mara mid kastaba xiligeedii, ku dadaalaista in ay suurto-gal noqoto in aduunyada u arakto Somaliland wadan ka duwan Soomaliyada walaaqan ee ay ka go'day.

- Maamulkii Meles-Zenawi waxa uu uga ololeeyay jiritaanka Somaliland gudaha qaarada Afrika isaga oo gacan wayn ku lahaa imaatinkii gudidii xaqiiqa raadiska ahayd ee ay AU-du dhawr sano ka hor u soo dirtay, indho-indhaynta qaran-nimada Somaliland, taasoo ay gudidu war-bixinta caaqiibo leh ka qortay.

- Xukuumadii Meles Zenawi waxa ay noqotay tii ugu horaysay ee dalka Somaliland xafiis ka shaqeeya danaha labada dal ka furatay caasimada Hargaysa.

- Xukuumadii Meles Zenawi waxa ay si hagar la'aan ah u tayaysay ciidamada qaranka Somaliland iyada oo saraakil badan siisay Tabo-baro kala duwan, waxa kale oo ay deeqo wax-barasho oo kala gedisan ku gargaartay arday badan oo reer Somaliland ah.

- Xukuumada Meles Zenawi waxa ay u ogolaatay in dadka reer Somaliland si xor ah oo aan danqaqar lahayn ugu noolaan karaan dalka Itoobiya, dhaqaale iyo baayac-mushtar ku yeelan kraan, dhaqdhaqaaq nabdoona ku samayn karaan iwm.

Isku soo duuboo, geerida ku timid Meles Zenawi waa mid runtii qof kasta oo reer Somaliland ah oo dalkiisa lexe-jeclo ka qaba ku abuurtay wer-wer iyo walaac dhinacyo badan taabanaya. Waxase aan rajaynaynaa oo aan ku calool diiran-nahay in maamulka qaban doona talada dalka Itoobiya aanu waxba ka bedeli doonin xidhiidhka wanaagsan ee ka dhex-biqlay labda dal/dad ee Somaliland iyo Itoobiya oo ay labaduba ku badhaadheen.

''Ha Jirto Somaliland Oo Ha Joogto Weligeed''

W/q: Cali Cumar Xasan

No comments: