.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, August 14, 2012

Sheeko: ''Waaq-Waaq''. Prof C/Salaan Yaasiin


- Shimbiraha waxa u dhaqan ah inay heesaan. Heesahoodana dadku marka ay maqlaan waa ay jeclaystaan. Waxa hadaba la yidhi, Tukuhu sida shimbraha kale ayuu u heesi jiray oo uu u cod macaanaa. Hase ahaatee, waxa dhacday inuu maalin malmaha ka mid ah maqlay geenyo heesaysa.

Codkii geenyada ayuu aad u jecelaystay. Wuxu ku tashaday inuu sida geenyada u heeso. Tababar iyo ku dayasho joogto ah ayuu bilaabay. Aadna wuu ugu dadaalay inuu sida geenyada u heeso.

Wuu dadaalay, oo dadaalay, oo dadaalay. Hase ahaatee, inkasta oo uu dadaalay, tukihi sidii geenyada waa uu u heesi kari waayay. Isaga oo xiiqsan ayuu naftiisii ku yidhi, “Dadaal badan baan sameeyay. Waanse ku guulaysan waayay inaan sida geenyada u heeso. Bal hadaba aan sidaydii hore hees shimbireedkii iskaga heeso.”

Markuuse is yidhi sidaadii hore u hees, ayuu codba ka soo bixi waayay! Halkaasuu hadana dadaal kale ka bilaabay. Siduu u dadaalayay, ayaa waxa ka soo baxay “waaq, waaq”!!!

W/q: Prof, Cabdisalaan Yaasiin

No comments: