.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, August 22, 2012

Sheeko: ''Oogtii Bakhtiday: Prof, C/Salaan Yaasiin


- Nin sakaarad ah oo naftii ka gurmayso ayaa walaalkii u yeedhay, wuxu ku yidhi; ''Waad aragtaa oo sakaraad baan ahay, naftina way iga gurmaysaa, ee intaan naftu iga bixin, Walaal, dardaaran baan kaaga tegayaa. Ka dib markii aynu guri keliya wada degnay oog ayaynu shidanay. Ogtaana waxaynu u shidnay saddexdii nin aynu walaalaha ahayn, ee inaga maqnaa, inay soo eegtaan si ay inoola soo degaan oo aynu beelo midaysan u noqono. Hadaba, saddexdii nin ma hayno. Waxaana la inoo sheegay inay foogaadeen. Labadeenana colaad xun baa ina dhex martay oo waa kala xidhiidh furanay.Waalal, marka hore, aan is saamaxno. Mar labaadkana, waxan kaa codsanayaa in oogtaasi aynu hurnay shidnaato oo aanay bakhtiyin, si labadeena reerna u wada dugsadaan, walaalaheenii saddexda ahaa ee inaga maqnaana ugu soo hirtaan.

Ninkii sakaraadka ahaa markuu dardaarankii dhameeyay, ayuu walaalkii hadalkiisii hoos u raacay. sidii uu marna colaadii walaalkii dhex martay ugu fekerayay, marna saddexdii nin ee ay walaalaha ahaayeen ee la waayay, ayaa oogti bakhtiday. Halkaasaana beel midaysanna lagu waayay!!!

W/q: Prof, Cabdi-salaan Yaasiin

No comments: