.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, August 28, 2012

Sheeko: Haabkaba Kumaan Hayn! Prof, C/Salam


- Dameer ayaa waxa lahaa nin ka ganacsada dhirta dawooyinka ah. Dameerku aad buu u shaqayn jiray. Waagu marka uu beryo ilaa gabalku marka uu dhaco waxay u ahayd in uu rar sido. Inkasta oo rarkiisu ahaa dhir badan oo udgoon oo dawooyin ah, waxba kama cuni jirin dhirtaasi. Ninka lehina cuno ku filan ma siin jirin. Sidaa darteed, gaajo badan ayuu tirsaday. Dameerki wuxu uurka ka doonay in uu yeesho oo uu u shaqeeyo nimaan dawoo-lahan gaajada ku eegay ahayn. Mudo ka dib, ayaa wuxu uurka ka doonay u rumoobeen. Dawoolihi wuxu ka iibiyay nin dhagxaanta ka ganacsada. Dhagaxlihina maalin oo dhan dhagxan culus ayuu ku raraa. Cunadiina uma kordhin. Waxa isugu darsamay shaqo culus iyo cuno yar. Markale ayuu hadan uurka ka doonay in uu yeesho oo u shaqeeyo nimaan dhagaxlahan dhibay ahayn.

Markale ayaa hadana wuxu uurka ka doonay uu helay. Dhagaxlihi wuxu ka iibiyay nin hargoole ah. Ka dib markii rarkii u horeeyay ee hargaha ahaa la saaray, ayuu dameerki naftiisii la hadlay. Wuxu yidhi, “Maanta ayuun baa lay yaabaa! Hadhac iyo hunguri ayaan hawsanayay. Manaa haabkaba ku hayay hargoole ayaad u gacan geli. Haddii aan dawoo-lihii gaajo ku qabay; dhagax-lihiina dhib ku qabay; maanta ayaan u gacan galay hargoole xoogayga iyo haragaygaba iibinaya!!!”

W/q: Prof, Cabdi-Salaam Yaasiin

No comments: