.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, August 25, 2012

Mo Farah Oo Dakhligiisu Noqday Shan Malyuun Oo Doolar Sanadkiiba


- Sida ay qortay jariidada Ingiriiska ee caanka ah ee The Daily Mail oo aad ugu xeeldheer nolasha iyo arrimaha dadka caanka ah waxa uu Mo Farah saxiixay heshiisyo dhawr ah oo uu lagalay shirkado waaweyn isagoo xayaysiin doono alaabtooda iyo adeegooda labadaba. Ganacsadaha weyn ee loo yaqaano Richard Branson oo ka mid ah tujaarta waaweyn ee wadankan Ingiriiska iyo caalamkaba ayaa soo dhaweeyay guusha Mo Farah waxaanu isla markiiba la soo xidhiidhay Mo Farah. Richard Branson waa mulkiilaha shirkadaha waaweyn ee Virgin Media, Virgin Airline iyo Virgin Trains. Richard Branson waxa uu Mo Farah ka codsaday inuu u xayaysiiyo adeega shirkadiisa is gaadhsiinta ee telefoonada iyo Interntka caanka ku ah.

Mo Farah waxa uu xidhan ama labisan doonaa Gadhka Orgiga ee uu caanka ku yahay Richard Branson. Mo Farah waxa uu muuqaalka milicsiga hore u eegaan doona Richard Branson, laakiin marka uu qofku si fiican u eego ayuu garan doonaa inuu yahay orodyahanka caanka ah ee Mo Farah. Xayaysiiska noocan oo kale ah ayaa dhamaan UK todobaadyada soo socda ka muuqan doona sabuuradaha xayaysiiska ee suuqa magaalooyinka waaweyn ee UK oo dhan. Waxa kale oo uu xayasiiska Mo Farah kasoo bixi doonaa Tiifiyada waaweyn ee Ingriiska oo dhan.

Simon Cowel oo isna ka mid ah tujaarta waaweyn ee Ingiriiska ayaa markiiba lasoo xidhiidhay Mo Farah isagoo sumcad u raadinaya barnaamijkiisa caanka ah ee lagu tartansiiyo isla markaana lagu soo saaro fanaantiina cusub ee raba in heesahoodu ay hirgalaan. Barnaamijkan oo kamid ah kuwa ugu qaalisan adduunka dhinaca hawada isla markaana ka mid ah kuwa loogu daawashada badan yahay ayaa Mo Farah lagu casuumay inuu ka muuqdo oo kaliya. Haddii uu ka muuqdo barnaamijkaasi waxa uu Mo Farah qaadan doonaa markiiba lacag ku dhaw hal milyan iyo badh doolarka maraykanka ah. Simon Cowel ayaa xaqiijiyay inuu la xidhiidhay Mo Farah oo ay dhawaan heshiis isla meel dhigi doonaan. Laakiin ilaa imka lama oga inuu Mo Farah ogolaaday iyo in kale.

Qaban-qaabiyayaasha orodka loo yaqaano The London Marathon ayaa Mo Farah la soo sameeyay xidhiidh kadib guushii uu ka gaadhay ciyaarihii Olombiga ee London lagu qabtay. Maamulka The London Marathon waxay Mo Farah ugu bishaareeyeen inay bixinayaan lacag dhan 1 malyuun oo lacagta Ingiriiska ah oo uu dhiganta 1 malyuun iyo badh doolarka USA ah haddii uu ka qayb galo orodka The London Marathon, maaha haddii uu ku guulaysto. Haddii uu guulaysto waxa uu heli doonaa lacagtii uu helay Haile Gabrezalase mid la mid ah. . Mo Farah ayaa la sheegay inuu aqbalay codsigan isla markaana uu ka qayb gali doono tartanka orodka The London Marathon bisha Abriil ee 2013ka.

Guushiisii ka hor Mo Farah waxa uu heli jiray lacag ku dhaw hal milyan oo doolar sanadkiiba, sida ay qortay jariidada The Daily Mail. Mo Farah waxa uu lacagtaasi ka heli jiray shirkada kabaha kubbadda iyo qalabka ciyaaraha ee loo yaqaan Nike iyo shirkada kale ee Lucozade.

Scottish Widows, oo ah shirkada adduunka ugu weyn la dhigto lacagta hawl-gabka ayaa saadaalisay inuu Mo Farah heli doono lacag ku dhaw £5?malyuun oo lacagta Ingiriiska ah taasi oo u dhiganta ilaa 8 malyuun oo USA doolar ah marka la gaadho ciyaaraha Olombiga ee Rio Games ee 2016ka oo lagu qaban doono dalka Brazil.

Mo Farah waa qofkii ugu horeeyay Somaliland ama dadka af-soomaaliga ku hadla ee lacag baaxadaa lihi ay kasoo gesho ciyaaraha adduunka. Dadka aadka u daba-gala dadka caanka ah ayaa Mo Farah ku tilmaamay inuu yahay nin aad ugu heelan inuu caawiyo qaraabadiisa iyo dadka uu ka soo jeedo asal ahaan.

Mo Farah waxa uu hadda leeyahay wakiil u gaar ah oo lagala xidhiidho, dhakhtaro, looyaro iyo ilaalo u gaar ah oo dhamaantood mushaaro ka qaata Mo Farah.

Ahmed Ali Aden
Birmingham/UK

No comments: