.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, August 21, 2012

Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Itoobiya Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Ku Timid Meles Zenawi


- Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed (Sii-laanyo) ayaa Saaka tagay Safaarada Itoobiya ku leedahay Hargeisa oo soo tacsiyeeyay soona saxeeyay buug loo furay tacsida! Waxana uu halkaa ka muujiyay sida dadka reer Somaliland uga naxeen geeridaa, isaga oo dadka reer Itoobiya u diray tacsida geerida ku timid Ra’isal-wasaare Meles Zenawi, oo dhawaan geeriyooday, waxana uu yidhi madaxwaynuhu; 

“Waxaan dadka Itoobiya iyo mandaqada geeska afrika uga tacsiyadaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Meles Zenawi, wuxuu ahaa nin door weyn ku leh geeska afrika iyo Afrikaba guud ahaan, oo ilaalin jiray nabdgalyada geeska afrika” ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siillaanyo. Isaga oo hadalkiisa sii watana kana hadlaya xidhiidhka labada dal waxa uu ku-daray madaxwaynuhu; “dalka Itoobiya aad bay iskugu wanaagsanaayeen Somaliland ilaa wakhtigii halganka aanu ku jirnay, waana wadan wayn oo mar walba waxbaa iskaga xidhan Somaliland iyo Itoobiya, marka wada shaqaynta xaga nabadgalyada, siyaasada, hurumarinta, ganacsiga waa mid lagama maarmaan ah” ayuu raaciyey madaxwayne Axmed Maxamad Maxamuud ''Siilaanyo''.

WYL-News

No comments: