.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, August 23, 2012

Kastamka Kala-baydh (Gabiley) Oo Soo Xereeyay Cashuutii Ugu Badnayd Abid!


''Ciidan Ciideedii dakhligii dalka ka soo galay Kastamkan Kala-baydh 384 milyan ayuu ahaa, sanadkana 593 Milyan. farqiga u dhaxeeya waxa weeyaan lacag ah Laba boqol iyo sagaal milyan''. Wasiirka maaliyada

- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Md. Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa Saaka socdaal kedis ah ku tagay Kastamka Kala-beydh ee Gobolka Gabiley, kaas oo uu ku tilmaamay inuu u kuurgalayo xaalada dhaqaale ee Kastamku inuu kor-u-kac ama hoos-u-dhac sameeyey, nidaamka ay shaqadu u socoto iyo wixii dhibaatooyin ah ee hortaagan. Sidaa waxa uu Wasiirku ku sheegay Mar uu Koox Weriyayaal ah oo safar shaqo ku tagay Kastamka Kala-baydh uu halkaasi kula kulmay. Wasiirka maaliyada Somaliland Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay saxaafaddu wax ka weydiisay u-jeedada safarkiisan kedis ah ee uu ku yimid Kastamka Kala-baydh ayaa waxa uu ku jawaabay oo u yidhi;

 “Bahda Saxaafada ee aan sida kediska ah halkan(Kastamka Kalabeydh) ugu kulanay waad mahadsan tihiin,waan yaabay oo waxaan is-idhi nimanka maydaan wada soconin ee yaa keenay meesha,Safarkayagu waxa uu ahaa mid kedis ah aniga iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada maaliyada ayaa wada Socona, waxaanu ahaa inaanu u kuurgalno xaalada dhaqaalaha Kastamka, sida ay hawsha shaqadu u socoto, wixii dhibaatooyin ah ee hortaagan dakhligu sida uu yahay kor-u-kac ama hoos u dhac sida uu yahay.

Wasaarada Maaliyaddu iyada dalka u qaabilsan dakhliga oo waa wasaaradda laga sugayo dhamaan-ba waxa uu dalku ku dhaqaaqi lahaa oo waa mishiinkii dalka oodhan waday, Sidaa daradeed xilkaa balaadhan ee ay wasaarada maaliyaddu u heyso qaranka waa inaanu ilaalino,taas ayaa safarkayagu ahaa. Kastamka kala-baydh waxa uu ka mid yahay kastamada waa weyn ee dalka, sida aad la socoataan dakhliga dalka soo gala waxa uu u qeybsan –yahay, dakhli kastamada ka soo gala, dakhli cashuuraha berriga ka soo gala iyo dakhli ka yimaada Wasaaradaha badhkood, 70% (Boqolkiiba todobaatan) ama ku dhawaad 80% (Boqolkiiba sideetan) dakhliga dalka soo gala waxa uu ka yimaada Kastamada.

Kastmadu waxay qabtaan hawlo badan Kastamka Berbera, Kastamkan aynu joogno (Kastamka Kala-baydh), Kastamka Saylac, Kastamka Burco, Kastamka Caynabo, Kastamka Ceerigaabo, iyo Kastamka Wajaale dalka oodhan Kastamadiisu waa meelaha halbowlaha u ah dalka, Sidaa daradeed Kastamada culeys badan ayaanu saarna ilaalinta dakhliga, waxaanu xoog xidhiidh adag ula leenahay shaqaalaha Wasaarada ee hawshaasi haya, waxaanu xidhiidh adag la leenahay dadka cashuurta bixiya ee kastamada wax ka soo dejiya.”

“Kastamka Kala-baydh sida aad la socoataan waxa soo mara Qaadka oo waxa ka soo hoyata Cashuur badan, markaa waxaanu maanta eegaynaa bal dakhligaasi halka uu marayo iyo sida uu yahay kor u kac, heerka uu gaadhsiisan-yahay iyo wixii lamida. Waxaanu is-barbardhignaa inta badan dakhligaasi maanta oo kale sanadkii hore muxuu ahaa? Bisha bisheedii dakhliga dalka ka soo galay Kastamka Kalabaydh imisuu ahaa? Maanta oo kale 22 August 2012 dakhliga ka soo hoyday Kastamka kala-baydh imisuu ahaa? Muxuu ahaa ku-talogalka 22 August dakhliga laga doonayey Kala-baydh ee Miisaaniyada dalku waa imisa, wixii laga doonayey miyuu soo saarey, mise wuu ka hooseeyaa. Kastamkani hawl aad iyo aad u wanaagsan ayuu ahaa, shaqaalaha ka shaqeeya kastamka kala-baydh aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, oo hawl aad u culus ayey qabteen iyaga iyo shaqaalaha kale ee Kastamiska Wasaaradu.

Bisha Ramadaan waxay ka mid tahay bilaha dakhligu meelaha qaarkood uu hoos u dhaco,….hasayeeshe dakhliga bisha Ramadaan ka soo hoyday Kastamka Kala-baydh bilihii kale ee caadiga ahaa ee sanadkii hore dakhligu marka uu ugu sareeyeey dakhligii mid la mida ayaa ka soo hoyday. Runtii waxaanu yaqiinsanay Kastamkan iyo kastamada kale ee dalku inay kor u kac aad iyo aad u sareeya ay sameeyeen oo ay soo saareen dakhligii laga rabay mid ka sareeya oo aad iyo aad u baddan waxaanan filayaa inay inamadii kastamka joogay xogtaasi idin-siiyeen”.

“Waxaan is-barbardhigayey Maalintii Ciida ee Axada ee 19 bishan Ciidan Ciideedi dakhligii dalka ka soo galay Kastamkan Kala-baydh, maalinta maalinteedu waxay ahayd 384 (Sadex boqol iyo afar iyo sideetan millyan lix boqol iyo lix iyo afartan kun lix boqol iyo shan iyo lixdan) waa 2011-kii Ciidi hore, Ciidi dhaweyd oo ay bishu ku beegnayd 19 August 2012 dakhliga Kala-baydh ka soo hoyday waxa uu ahaa 593 (Shan boqol iyo sadex iyo sagaashan million sideed boqol iyo todoba iyo afartan kun afar boqol iyo afar iyo sideetan) waa lacag gaadhaysa 100,000 (Boqol Kun Oo dollar) farqiga u dhaxeeya waxa weeyaan lacag ah (Laba boqol iyo sagaal million ah) guusha iyo amaanta waxa iska leh Shaqaalaha imika Kastamka ku sugan,ciidanka Booliska oo qeyb laxaad leh ka qaatey ururinta dakhliga”.

“Marka aynu eegno kastamkani sida uu ku soo saarey celcelis-ka labadii bilood ee imika u danbeeyey farqiga u dhaxeeya intii ka soo baxaysay iyo inta ka soo baxda waxa weeyaan boqol million oo farqi ah, …. Kastamkan Kala-baydh waxa uu soo hooyey dakhli aad iyo aad u baddan kutalogalkii Miisaaniyadana aad iyo aad ayuu uga sareeyaa, waxaan isleenahay afarta bilood ee soo socda lacag aan ka yareyn Sadex million oo Dollar oo farqiya oo ka badan intii loogu talogalay Siyaado ka ah ayaa ka soo bixi doonta ku-talogalkayaga weeye marka loo eego sida ay imika hawshu ku socoto.

Isbedelka ka jira Kastamka Kala-baydh ayaa Kastamka Boorame, Kastamka Saylac, iyo kastamyada kaleba ka jira, Waxaan ku amaanaya shaqaalaha jooga Kastamka inay gacmahooda iyo jidhkoodaba ka ilaaliyeen xoolaha ay umaddu leedahay, marka aan leeyahay farqi-weyn ayaa muuqda dakhligii soo hoyan jirey iyo dakhliga soo hoyda marka la is-barbardhigo farqi aad u badan ayaa u dhaxeeya”

Mar Wasiir Samaale la weydiiyey Dakhliga soo kordhay xagga uu ka soo baxay ee wakhtigan isbedelay? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Xogtaa waad haysaan oo wax baddan ka odhan-maayo,…Waa shaqaalaha Kastamis-ka jooga, waa shaqaalaha Wasaarada jooga, waa ciidanka booliska ee iyaguna hawlgala, labadii bilood ee ugu danbeyey ama sadexdii bilood ee ugu danbeeyey bishii shanaad, bishii lixaad iyo bishii todobaad isbedel ayaa Kastamiska lagu sameeyey, ciidanka booliska ee jooga (Kastamyada) waa la kala bedelay, wasaarada ganacsiaga ayaa shaqaalaheedi wax ka bedeshay, isbedelka noocaas ah ee aanu sameynaynaa waxa uu la xidhiidhaa in kor loo qaado dakhliga, Shaqaalaha jooga Wasaarada iyo kuwa jooga Kastamiska ee la jaan-qaaday isbedelka cusub door-weyn ayey ka qaateen oo amaanta ugu badan iyaga ayaa leh.

Waxa xusid mudan Qaad-laha keena Qaadka laftigoodu marka si cashuurta loo luminayo dadka cashuurta laga qaadayo wax ayaa loo daayaa oo wax ayaa si hoos ah la isugu-daayaa, wixii oodhan wey istaageen, waxaanay iyaguna go’aansadeen inay cashuurtaasi sida ay tahay u bixiyaan haddii wax loo dhaafi jirey amase ay wax u leexin jireen wixii oodhan waa la hor-istaagay, waana ta keentey in lacagtaasi korodho waa ta keentey farqi Laba boqol iyo sagaal million ah inay maalin Kaliyi korodho. Waxay Wasaarada maaliyaddu dedaal adag ugu jirtaa inaanu dhicin shilin khasnada dawlada ka leexda oo meel kale u leexda”.

Wasiirka Maaliyada oo la weydiiyey mar haddii dakhligii dalku kordhay maxaa hortaagan in Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada loo kordhiyo mushaharka, iyada oo Wasiirkii hore ee Maaliyaduna uu balanqaaday inuu mushaharka u kordhinayo Bishii Juune 2012 ee la soo dhaafay, Wasiirkuna waxa uu arrintaas kaga jawaabay “Horta waanigii idin idhi Kastamadu dakhliga dalka waxay ka yihiin 70% ilaa 80%, waxa kale oo jira meelo kale oo cashuuro naga soo galaan oo aan ka warami doono meelaha qaarkood dakhligu sidii la rabay wuu ka hooseeyaa, tusaale ahaan wasaaradaha qaarkood dakhligii aan rabnay weli kamuu soo bixin, Wasaarada hawlaha guud waxay ka mid tahay wasaaradaha aanu wada shaqeyno ee ku hawlan dakhligii aanu ka rabnay, Wasaarada macdanta iyo biyuhu way bixiyeen dakhligii aanu ka rabnay waanay soo saareen waanan ku amaanaynaa, Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiintu gebi ahaanba kama hayno dakhligii loo baahna inay soo saarto sanadkan, xitaa hal shilin kama-hayno. Markaa dakhligu meelo baddan oo sidii la-rabay uu ka hooseeyo ayaa jira, waxaan ognahay in haddii kastamada sidii la rabay si ka sareysa uga shaqeyno inay dabooli doonto meelaha hoos u dhacu ka jiro”.

Wasiirku waxa uu intaas ku darey “Markaa kutalogalkayagu waxa weeyee in odoroska miisaaniyada 2012-ka in sidii loogu talogalay ay halkii loogu talogalay gaadho, wixii aan kutalogalkaa miisaaniyada aan ku jirin sanadka danbe ayaanu eegi doona inaanu wax ka qaban karno, laakiin hadda waxa nagga go’an in kutalogalka miisaaniyaddu uu sideedii u fulo”.

Wasiirka Maaliyadda Oo Wax Laga Weydiiyey Waxa kajira Masuq-Maasuq Ay Dadka Qaar Sheegaan In Ay Ku Kacdo Xukuumadda uu ka tirsan yahay waxa uu yidhi “ Horta Ciddii Tidhaahda Wax Baa La Lunsaday Waxaa Waajib Ah In Aad Weydiisaan Xageebaa La Geeyey Iyo Yaa Qaatay, Kastam Kasta Iyo Meel Walbana Waad Tagi Kartaan Oo Waad Weydiin Kartaan Dadkeenana Waxa Iska Aamin Sanyihiin In Xoolaha Gaarka Loo Leeyahay La Ilaashado Kuwa Dawladdana In Cidkasta Wax Ka Qaadan Karto Taasna Waa Xaaraan Annagana Masuul Baa Naga Saaran In Aanu Xoolaha Umadda Ilaalino “. Ayuu Yidhi Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Dhinaca kale, Maamulaha Kastamka Kalabaydh C/risaaq Muxumed Aaye oo ay warbaahintu weydiisay waxa ka jira Korodhka Dakhliga Kastamka Kalabaydh ayaa sheegay mudadii koobnayd ee uu joogay inay laban laabeen, taasoo uu sheegay inay keentay shaqaalaha oo hawl karnimo dheeraad ah sameeyay, balse waxa uu sheegay inaanay jirin wax Jaad ah oo ku kordhay Miisaankii awalba la keeni jiray Dalku.

Xigasho: Waaheen

No comments: