.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, August 13, 2012

Hadii Khaatumo-State Shuruudaheedii Fuleen Awdal State-na Maxaa Loo Hayaa?!


- Marka hore,waxa hambalyo iyo bogaadin mudan cid kasta oo gacan ka gaysatay dhiraandhirinta, isku soo dhawaynta, turxaan-bixinta iyo nabad ku soo dabaalista degaamada bariga Somaliland, kuwaasi oo ay ugu dambaysay nabad-qaadashadii Buuhoodle, oo ay duleedkeeda colaadi ka taagnayd dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyay! Wax la maadhiyo oo loo guura-galo nabad-baa ugu shilis oo ugu qaalisan! Sawtii hore loo yidhi; '' Saw nabadi sahaydaada ood sidato uun maaha''. Tabashooyinkii keenay colaadii iyo weeraweerahii u dhaxeeyay dawlada Somaliland iyo dadkeeda (qaybo bariga ah) waa la iska af-gartay oo waa laga heshiiyay. Waxana la go' aansaday samo-ku-wada-noolaansho! Iyo in la kala jeexdo xabada furinka ah, la wada dhisto qaranka Somaliland ee la wada leeyahay ee loo siman yahay, oo iyada oo lexejeclo isku mid ah laga qabo la wada ilaashado.

Taasi hadaba waa bariga Somaliland (Buuhoodle)! Tu kale ayaa hadhsan oo ah arinta Awdal-State! Maxaa iyada laga yeelayaa, ma haboontahay in cidii ay arintaasi ka go'do ee wax tabanaysa la marti qaado oo la is dhagaysto, la garamo, oo xoog la saaro in la is-qanciyo? Ma aha Khasab inay Dawladu bilowdaa arintan, dadka kale ee walaalaha ah ee wada dhashay ayaa xaajada baalalayn kara oo ibo-furkeeda yeelan kara, iyada oo ay gudoonka u dambeeya dawladu dabcan yeelan doonto.

''Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto''. Cali Cumar Xasan

No comments: