.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, August 30, 2012

Boobe Yuusuf: Xilka Qaadista Waxa Keenay Codsi Madaxwayne Oo Aan Diiday


- Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waraysi uu siiyay qaar ka mid ah war-fidiyeenada Somaliland dhawaan ku sheegay in kulan habeen saddexaadkii madaxtooyada ka dhacay oo ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xaaskiisu (Aamina-Waris) kaga codsadeen inuu ka noqdo go’aanka xil ka qaadista ah ee uu ku eryay labada agaasime, oo uu mudane Boobe-na diidy inuu go'aankiisa ka noqdo ay tahay sababta ay cidhibta ku hayso eryistiisu! Isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; '' Dood habeen hore [Habeen saddexaad] ka dhacday qasriga madaxtooyada oo na dhexmartay annaga oo kala ah Madaxweynaha, marwada madaxweynaha iyo anigoo wasiirkii warfaafinta ahaa, oo ay ku codsanayeen inaan kaga noqdo go’aanka aan labada agaasime waaxeed ku bedeley ana aan ka diiday ayaa sababtay in xilka layga qaado.” Boobe

Boobe Yuusuf Ducaale, wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah marka uu xilka wareejiyo uu bilaabi doono qormooyin taxane ah oo uu kaga hadlayo xil ka qaadistiisa iyo arrimaha sababay oo uu sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono. Madaxweynaha ayaa Boobe Yuusuf Ducaale, xilkan u magacaabay 14 bishii March ee sannadkan, waxaanu wakhtigaas ka hor ka tirsanaa madaxda Akademiyada nabadda iyo horumarinta Somaliland.-- Geeska!

No comments: